6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 18, 2025
Puntland oo ku goodisay inay madaafiic iyo taangiyo la dhacayaan xerada ciidanka PSF ee Gaalkacyo
 

Axad, May 18, 2025 (HOL) - Xiisad ka dhex aloosan ciidamada PSF ee Puntland iyo maamulka gobolka Mudug ayaa ka taagan magaalada Gaalkacyo, taasoo salka ku haysa howlgallo amni oo ay ciidamada PSF habeenadan ka wadeen magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali (Jifo Jabsade), ayaa sheegay in ciidamada PSF aysan ahayn ciidamo sharciyad dowladeed ku fadhiya ama si rasmi ah ugu diiwaangashan Puntland. Wuxuu intaas ku daray in tallaabo kasta oo ay qaadaan ciidamadaas ay noqonayso fal dambiyeed.

“Haddii ay mar kale dhacdo inaad xerada aad joogto kasoo baxdo, meeshaada ayaa la isugu imaan doonaa. Waad arkaysaa inta madaafiic iyo taangiyo ah ee kugu hareeraysan. Gaalkacyo ma ahan meelihii aad horey fowdada uga samayn jirteen” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Guddoomiye Jifo Jabsade ayaa sidoo kale ku amray ciidamada ammaanka in ay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo faragelin ku samaysa nabadgelyada magaalada Gaalkacyo, ama si sharci darro ah baro-kantarool uga sameysata gudaha magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, Ciidamada PSF ayaa saldhig ciidan oo weyn ku leh Bariga magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay mararka qaar ka degaan diyaaradaha dagaalka ee ay leeyihiin ciidamada Maraykanka ee AFRICOM.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa soo baxayay warar sheegaya in  Gaalkacyo lagu tababaro ciidamo Puntland ah, oo u diiwaangashan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Puntland waxay ku eedaysay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, General Asad Diyaano—oo ay qoyskiisu gacanta ku hayaan ciidanka PSF—in uu gudaha Puntland ka wado dhaqdhaqaaqyo ciidan oo sharci darro ah.

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Siciid Deni uu ciidamo iyo saraakiil u diray magaalada Gaalkacyo si ay uga hortagaan qorshaha ay ciidamadaasi ka wadaan gobolka Mudug.