Isniin, May 19, 2025 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalamayaasha Al shabaab lagu jabiyay dagaalo qaraar oo saacado badan socday kana dhacay degaanada xuduudka ee Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan kadib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleeyda ay halkaasi kula dagaalameen Al shabaab.
Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaaladaan ayaa ugu hambalyaysay Ciidanka Xoogga iyo macawislayda gobolka Hiiraan jabka xooggan ay u gaysteen Kooxda Al shabaab oo shalay weerartay deegaanno dhaca xadka u dhexeeya gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.
Qoraalkaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya ayaa shaaca looga qaaday in Kooxda Al shabaab looga dilay dagaalkaas in ka badan 70 Dagaalamayaashoodi, waxaana sidoo kale halkaas looga furtay hub farabadan.
Warka ayaa inta la raaciyay in Al shabaab ay jabkaan gaaray ay tahay jabkii labaad oo muddo laba todobaad dhexdood ku dhacay Kooxdaan oo sameeneysay weeraro ka dhan ah goobaha ay Ciidamada Dowladda iyo Macaawiisleyda kusugan yihiin.
Dhinaca kale War qoraal oo kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in ciidamada Dowladda ay Al shabaab ku jabiyeen isku dayadii ay ku doonayeen in ay isku ballaariyaan Hiiraan iyo ShabeeladaDhexe, waxaana ay hadda ku baacsanayaan deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe .
Dawladda Soomaaliya ayaa ku ammaantay ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka sida geesinimada leh ay u muujiyeen adkeysiga dagaalka, waxaana ay wacad ku martay inay ka go'an tahay ka ciribtirka Al shabaab ee Soomaaliya.