6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 19, 2025
Safiirka cusub ee UK usoo magacowday Soomaaliya oo xafiiska la wareegay
 

Isniin, May 19, 2025 (HOL) - Charles Nicholas King oo bishii labaad ee sannadkan loo magacaabay safiirka UK u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa xilkiisa la wareegay, sida uu ku sheegay qoraal uu ku shaaciyay bartiisa X.

Ambassador Charles Nicholas King ayaa beddelay Michael Nithavrianakis, oo muddo labo sano ah xafiiska joogay, kaddib magacaabiddiisii May 2023.

“Waxaa sharaf ii ah in aan bilaabo doorkayga Safiirka UK ee Soomaaliya. Waxaan rajeynayaa inaan la shaqeeyo saaxiibada Soomaaliyeed oo aan wax badan ka barto dalkan cajiibka ah,” ayuu ku yiri qoraalka uu ku daabacay bartiisa X.

Charles King waa diblomaasi ka tirsan Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka & Horumarinta (FCDO) tan iyo 2004, waxaana uu kasoo shaqeeyay gobollo kala duwan.

Markii ugu dambeysay wuxuu ahaa Madaxa kooxda wadajirka ah ee Gaza Taskforce ee Israa’iil iyo Dhulka Falastiiniyiinta ee La Haysto (2023–2024), isagoo hoggaaminayay arriamaha diblomaasiyadeed ee xasillooni-darrada gobolka.

Intii u dhaxaysay 2020 ilaa 2023, wuxuu ahaa Madaxa Waaxda Shaqada Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika iyo Wakiilka Gaarka ah ee UK u qaabilsan Suuriya, isagoo door muhiim ah ku lahaa siyaasadda Britain ee Bariga Dhexe.