Isniin, May 19, 2025 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta kormeer ku tagay furimaha ay ku sugan yihiin xaq u dirirka deegaanka iyo ciidamada qalabka sida.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa saraakiisha kala duwan ee ciidamada la qaatay kulamo gaar gaar ah, isagoona ka dhageystay warbixino la xariira qaabka loo wajahayo gulufka cusub ee ka dhanka ah Al-shabaab.
Goobaha uu booqday madaxweynaha Hirshabeelle waxaa ka mid ah deegaanka War gaadhi oo ka mid ah meelaha lagu wiiqay awoodo kooxda Al-shabaab.
“Xaq-u-dirirka shacabka Hirshabeelle ee ku kala sugan Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe iyo ciidamada Qalabka Sida, waxay muujiyeen diiwaan ku cusub Soomaaliya mana jirto awood tan la mid ah oo taariikhda Khawaarijta ku qabsatay dagaalka. Hirshabeelle way ka gudbi doonta waqtigan adag waxana ay reebi doontaa taariikh badbaado u ah Soomaalida oo dhan” ayaa lagu yiri Warsaxafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale uga tacsiyeeyay shacabka Hirshabeelle geesiyaasha deegaanka ee nafta u huray difaaca dalka iyo kuwa ku dhawaacmay dagaalka, isagoona ugu baaqay shacabka ku nool deegaanada Hirshabeelle in niyad wanaag iyo wadajir lagu wajaho dagaalka dalka looga saarayo kooxda Al-shabaab.
Talaabadaan uu furimaha hore ee dagaalka ku tagay madaxweynaha Hirshabeelle ayaa kusoo aadeysa, iyadoo dagaal qaatay mudo ku 72 saacadood uu ka dhacday deegaano ku yaala xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.