6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 2 , 2025
Soomaaliya oo ugu baaqday Dowladaha India iyo Pakistan in khilaafkoodi ku xaliyaan hab Diplomaasiyadeed
 

Jimco, May 2, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Pakistan ahna Wasiirka Arrimaha dibadda Senator Mohammad Ishaq Dar ayaa shalay oo Khamiis aheyd waxa uu khadla telfoonka kula soo hadlay dhigiisa Soomaaliya Wasiirka cusub ee Arrimaha dibadda Cabdisalaan Cabdi Cali oo ay xoogga ku saareen dhibaatada ka dhex aloosan India iyo Pakistan.

Mohammad Ishaq Dar waxa uu Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali uga warbixiyey xaaladda gobolka ee sii xumaanaysa ee ka dhex taagan Dowladiisa Pakistan iyo india gaar ahaan dhibaatada ka dhalan karta kabixitaanka heshiiska biyaha wabiga Sand.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaaladda hadda ay kala marayaan labada Dowladood isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in arrimaha lagu xalliyo qaab diblomaasiyadeed si loo ilaaliyo nabadda iyo amniga gobolka.

Labadaan mas'uul oo dalalkoodi kamidka ah xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay xaqiijiyeen inay ka go'an tahay xoojinta iskaashiga dhinacyada badan leh ee Soomaaliya iyo India u dhaxeeya.

Labadaan Wasiir ayaa sidoo kale ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Pakistan.

Khilaafka labadaan Dowladood ayaa salka ku haaya 26 Qof oo Hindu u badan oo Bishii lasoo dhaafay Koox hubaysan ku dileen Gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir markaasi oo ay Dowladda India ay ku eedeysay Dowladda Pakistan inay iyadu soo dirtay Kooxdaasi waxaana ay keentay in xuduudaha ay kala xirtaan India iyo Pakistan.