6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 2 , 2025
Dowladda Soomaaliya oo heshay xog caddeyneysa xiriirka ka dhexeeya Xuutiyiinta, Al-Shabaab iyo Daacish
 

Jimco, May 2, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku eedeeyay kooxaha Al-Shabaab, Daacish, iyo Xuutiyiinta in ay si wadajir ah uga shaqeynayaan weerarro ka dhan ah dowladaha gobolka, taasoo uu ku tilmaamay khatar isku dhafan oo si weyn u halis gelin karta xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika.

Wargeyska Asharq Al-Awsat ee kasoo baxa Bariga Dhexe, oo soo xiganayay hadalka madaxweynaha, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya tan iyo markii la aasaasay Isbaheysiga Islaamka ee lagula dagaallamayo Xuutiyiinta. 

Wuxuu xusay in Xuutiyiintu ay beegsanayaan Sacuudi Carabiya, iyagoo bartilmaameedsanaya kaalinteeda diimeed iyo dhaqaale ee gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caddeeyay in Dowladda Soomaaliya ay heshay xog rasmi ah oo muujinaysa xiriir ku saabsan hub, khibrado ciidan, iyo agabyo kale oo u dhexeeya Xuutiyiinta Yemen iyo kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya. 

Wuxuu sheegay in la qabtay shixnado qarxa iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo kasoo baxay Yemen kuna soo jeeday Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la burburiyay shabakad hub ka ganacsata.

“Dagaalka aan hadda ku jirno wuxuu leeyahay labo jiho oo muhiim ah. Mid waxaa uu ka socdaa buuraha Cal Miskaad iyo buuraha Golis ee waqooyi-bari dalka, meelahaas oo ciidamadeennu guulo muhiim ah ka gaareen, hase yeeshee ay wali u baahan yihiin taageero ka timaadda dowladaha gobolka si looga hortago in Gacanka Cadmeed uu u noqdo goob ay argagixisadu ku xoogeysato,” ayuu yiri madaxweynaha.

Wuxuu intaas ku daray in kooxaha argagixisada ay doonayaan in ay la wareegaan marin-biyoodka Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, si ay u wiiqaan dhaqaalaha iyo amniga caalamka. 

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay waddamada gobolka iyo saaxiibada caalamiga ah in la xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqeynta lagula dagaallamayo kooxahan uu sheegay inay  khatarta ku yihiin nabadda guud ee gobolka.