6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 2 , 2025
Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Macawiisleeyda iyo Al shabaab oo ka dhacay Gobolka Hiiraan
 

Jimco, May 2, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya degaan la yiraahdo Hararta una dhaxeeya Ceel hareeri iyo Aadan Yabaal ayaa dagaal xoogan waxa uu ku dhex maray ciidamada Macaawiisleeyda iyo kuwa Dagaalamayasha Al Shabaab waxaana lasoo wariyay in khasaare Xoogan lagu gaarsiiyay Al shabaab.

Sida ay baahisay Warbaahinta Dowladda Ciidamada Macawiisleyda Gobolka Hiiraan ayaa qaaday howlgalkaan iyagoo ku baacsanayay Koox ka tirsan Al shabaab oo dhaq dhaqaaqyo kawaday degaanka Hararta oo u dhaxeeya degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Deegaanka ayaa  Warbaahinta SNA RADIO u sheegay in ku dhowaad 10 dhagarqabe oo Al shabaab ah halkaas lagu dilay iyagoo kasoo furtay in ka badan 10 qori, waxaana si buuxda looga hortegay dhagartii ay halkaas kasoo maleegayeen.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al Cadaala ayaa bartiisa Facebook kusoo daabacay in ciidamada xaq udirirka ee Macawiisleeyda ay ka talaabsadeen dhowr dagaalame oo ka tirsan Al shabaab.

"Mahadsanidiin reer Hiiraan sida aad markale Al shabaab galabta u barteen kuwa aad tihiin, waxaad difaac iyo dhiirigalin u tihiin Soomaali oo dhan, maydadka Al shabaab ee aad ka talaabsateen waa mid ay xusuusandoonaan, alx." Ayuu ku yiri qoraalkiisa Wasiir Al Cadaalada.

Aaggii uu howlgalkaasi ka dhacay ee Al shabaab lagu weeraray waxaa ku sugan Ciidamada Macaawiisleeyda ee gobolka Hiiraan, waxaana weli la sii baacsanayaa firxadkii Kooxdaasi sida ay xustay warbaahinta Dowladda.