6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 20, 2025
Dagaal culus oo u dhaxeeya Al-shabaab iyo Macawiisleeyda Xawaadle oo ka socda gobolka Hiiraan

Talaado, May 20, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw uu dagaal culus ka qarxay duuleedka deegaanka Ceel hareeri ee gobolka Hiiraan, kaasoo u dhaxeeya ciidamada Macawiisleyda beesha Xawaadlle iyo kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii cidanka Macawiisleyda beesha Xawaadlle ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo isku aruursanaayay dhul howd ah oo u dhaw deegaanka Ceel hareeri ee gobolka Hiiraan

Waxaa lasoo warinaya in dagaalka uu yahay mid aad u xoogan oo labada dhinac isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana dhawaqa hubka culus laga maqlayo deegaano ka fog fog halka uu dagaalka ka socdo.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo dagaalka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeshee si rasmi ah looma ogaan karo khasaaraha inta uu dhan yahay, maadama uu wali dagaalku socdo.

Dagaalka haatan ka socda duuleedka Ceel hareeri ayaa dabo socdo dagaalo qaraar oo maalmahii lasoo dhaafay u dhaxeeyay Macawiisleeyda Xawaadle iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa dagaalka u dhaxeeya Macawiisleeyda Xawaadle iyo Al-shabaab ayaa warbaahinta u sheegeen in dagaalka aysan joojin doonin ilaa kooxdu ay ka saaraan guud ahaan deegaanada gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Lasoco wixii kuso kordha warkaan.