6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 20, 2025
Madaxweynaha Soomaaliya oo faray Wasiirka Diinta in la dhimo lacagta ay Xujeeyda Soomaalida ku xajinayaan
 

Talaado, May 20, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si weyn uga hadlay arrimaha quseeya xajka iyo qidmadaha ay qaadaan Shirkadaha Duulimaadka ee ay Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Islaamka ay u igmaday in Xujeeyda Soomaalida laga qaado si ay xajiyaan, waxaana uu faray wasiirka wasaaradda Sheekh Mukhtaar Roobow in la dhimo lacagta Xaajiga Soomaaliga ah ku xajiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday sidoo kale in loo baahan yahay in si weyn ay wasaaradda ay u tayeeyso adeegyada ay Xujeeyda Soomaalida ay helaan marka ay tagaan dalka Sacuudi Carabiya, waxaana uu xusay in aysan dareemin Soomaalida culeeys dhinaca adeegyada Xajka ah.

"Xaajiga Lacagta khidmada uu ku xajinayo waa in la dhimaa, lacagta laga qaadaya muwaadinka Soomaaliga ee maanta jirtaa waa in la dhimaa, qodobka labaad waxa ay tahay in kor loo qaado adeega xujeeydeeni helaan waa in kor loo qaada oo la qurxiyaa, wasiir waxaan kaa rabnaa in lacagta la dhimo adeeg tayo lehna ay helaan Xujeeyda" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xujeeyda Soomaalida horey loo dajin jiray Muzdalifa balse sanadkaan ay degi doonaan magaalada Mina, waxaana uu xusay in Wasaaradda ay kharash ku bixisay sidii loo heli lahaa goob wanaagsan oo ay degaan Xujeeyda Soomaalida.

Waxa uu Madaxweyne Xasan uu ugu baaqay Wasaaradda in shacabka ay uwada siinnaadaan inay xajiyaan oo lala socdo qofka sanad waliba iskaga noqnoqda inuu soo xajiyo, waxaana uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay kordhin doonto tirada xujeeyda ee ka baxda Soomaaliya maadama ay hadda wali ay yihiin tiro yar oo horey loo qoondeeyay.

Hadalkaan ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka sheegay furitaanka dhismaha cusub ee Wasaaradda Diinta iyo arrimaha Islaamka oo maanta munaasabadeedi daah furka lagu qabtay Magaalada Muqdisho.