6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 20, 2025
Puntland oo laga fulinayo mashaariic Dowladda Federaalka Soomaaliya ay maamulayso
 

Talaado, May 20, 2025 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa markii gu horraysay muddo dheer kaddib ka fulinaysa gudaha Puntland mashaariic horumarineed oo dhaqaalaha ku baxayo uu bixinayo Bangiga Adduunka.

Mashaariicdan oo laga fulinayo magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe, ayaa ah kuwa la xiriira xoojinta kaabayaasha caafimaad iyo Korontada, waxaana qandaraaskooda lagusoo saxiixay Muqdisho, sida ay muujinayaan Documentiyo la helay.

Mid kamid ah mashaariicda ayaa waxaa maamulaysaa Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Soomaaliya, taasoo shaacisay mashruuc weyn oo tamarta cadceedda ah oo laga hirgelinayo magaalada Garowe. Mashruucan, ayaa ah mid ka kooban warshad laga dhaliyo tamarta qoraxda.

Sidoo kale, Puntland ayaa ogolaatay dhismaha qaybo cusub oo lagu kordhinayo Isbitaalka Boosaaso. Qaybtan cusub waxaa maalgelinaya Bangiga Adduunka, waxaana fulinaysa Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya.

Qandaraaska mashruucan ayaa la siiyay shirkad ku sugan Muqdisho oo lagu magacaabo Afrah Construction Company Limited, iyadoo la maray habraaca hay’adda Qandaraasyada Qaramada Midoobay (UNPOS) ee qaabilsan naqshadeynta, maamulidda iyo korjoogtaynta dhismaha.

Inkasta oo mashaariicdaasi la hirgelinayo Puntland, haddana waxaa jira mashaariic kale oo Dowladda Federaalka Soomaaliya horay u qorshaysay in laga fuliyo Puntland, balse ay Puntland hor istaagtay, sida dhismaha waddada u dhexeysa Gaalkacyo iyo Xarfo.

Tallaabadan cusub ee Puntland ay ku ogolaatay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ka fuliso mashaariic gudaha degaanadeeda, waxay kusoo beegmaysaa xilli Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaliya uu dhexyaalo khilaaf aad u xooggan oo meesha ka saaray wada shaqayntoodii.