6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 21, 2025
Wasiir Fiqi "72 saacadood gudahood waxaa Khawaarijta laga dilay in ka badan 120 xubnood oo horjoogayaal ku jiraan"
 

Arbaco, May 21, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa faahfaahin cusub ka bixiyay howlgalada ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in howlgalada ka socda dalka ee looga sifeynayo kooxda iney galeen marxalad cusub, islamarkaana jab xoogan la gaarsiiyay Al-shabaab 72-dii saacadood ee lasoo dhaafay.

Wuxuu tilmaamay wasiirka in ciidamada xooga dalka iyo kuwa Macawiisleeyda guulo waa weyn kasoo hoyeen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada kala ah Geel gub, Sabiib, Canoole, Barjaale iyo nawaaxiga degmada Aadan Yabaal.

"72 saacadood gudahood waxaa Khawarijta laga dilay in ka badan 120 maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta ah, kuwaas oo lagu dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay deegaano ku kala yaala gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Jubada Hoose, howlgaladaas waxaa sido kale lagu dilay horjooge sare oo Khawaarij ah oo ahaa ninka qorsheyn jiray weerarada hoobiyaasha ee kooxdu ka fulin jirtay Muqdisho iyo dhamaan ilaaladiisii" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale cadeeyay in dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab uusan marnaba istaagi doonin ilaa laga xureeyo guud ahaan dalka, wuxuuna amaan iyo bogaadin balaaran u jeediyay ciidanka Macawiisleeyda beesha Xawaadle.

“Xoraynta deegaannada Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan ma istaageyso. Waa dagaal qaran. Waxa naga go’an in Khawaarijta laga suuliyo dalka oo dhan  deegaan deegaan, tuulo tuulo, illaa laga ciribtiro gebi ahaanba Khawarijta” ayui yiri Wasiir Fiqi.

Shirka jaraa'id ee Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalintii afaraad uu dagaal xoogan ku dhaxmarayo qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan Macawiisleeyda beesha Xawaadle iyo kooxda Al-shabaab.