6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 21, 2025
Dowladda Fedaraalka oo digniin adag u dirtay siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee dhaliila ciidanka Qaranka
 

Arbaco, May 21, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa fariin adag u diray qaar ka mid ah siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dowladda Fedaraalka.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ah qaarkood ay u dhaqmaan sidii afhayeenada kooxda Al-shabaab oo kale, wuxuuna ugu baaqay inay ka fogaadaan hadal kasta oo dhaawacaya howlgalada dalka looga xureynaayo Al-shabaab.

"Waxaan halkaan fariin uga diraraya qaar ka mid ah ragga isku sheega Mucaaradka oo marar badan Warbaahinta lasoo hor istaago hadalo Khawarijta ay ku garab siinayaan, iyagoo waliba u hadlaya sida afhayeenada Khawarijta oo kale, waxaan leyahay ragaas waa is yaqaanane ka waantooba waxad sameysan mar walba oo aad ku dhahdaan ciidankii waa burburay, ciidanka wuxuu idinka raba garab istaag ee maaha waliba adinkoo qaarkiin Xildhibaano yihiin inaad sidaas u hadashaan" ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Hadalkaan Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Macalin Fiqi ayaa imaanaya, iyadoo marar badan qaar ka mid ah xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ay dowladda Fedaraalka Soomaaliya ku dhaliileen inuu jiro gaabis la xariira howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Ugu dambeyntii lama oga waxa ay ka badali doonto fariintaan digniinta ah ee Wasiirka uu u jeediyay siyaasiyiinta mucaraadka ah ee sida gaarka ah u dhaliila ciidamada iyo howlgalada xureynta ah ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.