Arbaco, May 21, 2025 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan ka muujisay shuruucda la dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya, gaar ahaan awoodaha ballaaran ee la siiyay hay’adaha amniga iyo adeegsiga xad-dhaafka ah ee maxkamadaha ciidamada.
Qoraal uu soo saaray Qareenka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaallanka argagixisnimada, Ben Saul, ayuu ku sheegay in shuruucdan aysan buuxin heerarka caalamiga ah ee cadaaladda iyo madaxbannaanida garsoorka.
Booqasho rasmi ah oo uu dhawaan ku tegay Soomaaliya, Saul wuxuu sheegay in dalku uu weli wajahayo caqabado amni oo halis ah, gaar ahaan hanjabaadaha joogtada ah ee ka imanaya Al-Shabaab iyo Daacish.
Si kastaba ha ahaatee, Ben Saul wuxuu ammaanay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan la dagaallanka argagixisada, kuwaasoo ay ka mid yihiin hawlgallo ciidan, barnaamijyo ka hortagga xagjirnimada, iyo qorsheyaal wax looga qabanayo sababaha dhalinaya ku biirista kooxaha hubeysan.
Waxa uu sidoo kale ku baaqay in la hirgeliyo xarumo dhaqan-celin iyo barnaamijyo is-dhexgal bulsho ah oo loogu talagalay dadka kasoo laabta kooxaha argagixisada, iyadoo si gaar ah loo ilaaliyo xuquuqda haweenka iyo carruurta.
Dhinaca kale, wuxuu ka digay in sharciyada ka dhanka ah maalgelinta argagixisada ay caqabad ku noqdaan howlaha samafalka iyo xorriyadda saxaafadda.
Ben Saul ayaa la filayaa inuu warbixin dhamaystiran oo ku saabsan socdaalkiisii Soomaaliya u gudbiyo Golaha Xuquuqda Aadanaha bisha Maarso 2026.