Khamiis, May 22, 2025 (HOL) - Dowladaha Soomaaliya iyo UK ayaa magaalada London waxa ay si wadajir ugu shir gudoomiyeen madal heersare ah oo ku saabsan ilaalinta bulshada ay saameeyeen marxaladaha nuglaanta iyo colaaduhu.
Ra'iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac iyo Wasiirka UK ee Arrimaha Afrika, Lord Collins, ayaa ahaa labada mas'uul ee madasha hogaanka u haayay waxaana ay kulmisay madashaan mas’uuliyiin ka kala socday dawlado, hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah, iyo cilmi-baarayaal ka kala socday macaahid iyo akadeemiyooyin kala duwan.
Diirada waxaa la saarayay Ilaalinta bulshadu kaliya inaysan ahayn gurmadka degdegga ah ee xilliyada dhibaatadu taagan tahay un, balse ay tahay udub-dhexaadka nabadda, adkaysiga bulshada iyo koboca dawladnimo.
“Maanta waxa ku astaysan kulankii u horreeyey ee Golaha Heerka Sare ee Ilaalinta Bulshada ay Saameeyeen Marxaladaha Nuglaanta iyo Colaaduhu Waxa na ay bilow u tahay xil lix bilood socon doona." Ayuu yiri Ra'iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya.
Ku dhowaad afar meelood oo saddex dadka ugu saboolsan adduunku waxa ay ku nool yihiin marxalado nuglaan ah, taas oo dhibaatooyinku dheeraadaan, kuna qasabta dad badani in ay ka cararaan guryahooda, qaxooti na noqdaan.