Khamiis, May 22, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ku eedeeyay inuu oggolaaday in la laayo oo la barakiciyo beeralayda caddaanka ah, isla markaana dhulkooda lala wareego.
Trump, oo Ramaphosa ku casuumay xafiiska Ovalka, ayaa durba bilaabay inuu ula hadlo si jees-jees ah, isagoo muddo saacad iyo rubuc ah si isdaba joog ah ugu eedaynayay dowladda Koonfur Afrika inay mas’uul ka tahay xasuuq uu sheegay in lagu hayo dadka caddaanka ah.
Trump ayaa sheegay in dadka caddaanka ah ee loo yaqaan Afrikaanska, oo ah 72% beeraleyda Koonfur Afrika, ay wajahayaan xasuuq. Wuxuu sidoo kale soo bandhigay muuqaallo uu sheegay inay muujinayaan xabaalo lagu aasay dad la laayay, iyo muuqaal uu hoggaamiyaha mucaaradka Koonfur Afrika, Julius Malema, dadka madow ku dhiirrigelinayo inay laayaan dadka caddaanka ah oo ay dhulkooda qaataan.
“Dadka waxa loo dilayaa raxan raxan, waad aragtay xabaalahaas oo dhan, si xun ayaa loo laayay, waana in aynu ka hadalnaa. Haddii aanu haysanno warbaahin daacad ah, way soo bandhigi lahayd, laakiin warbaahinta dalkani kama hadasho,” ayuu Trump ku yidhi Ramaphosa oo garabkiisa fadhiyay.
Trump ayaa sidoo kale u dhiibay Ramaphosa jaraa’ido badan oo uu sheegay in ay ku qoran yihiin sheekooyin ku saabsan dad caddaan ah oo la laayay, isaga oo tilmaamay in uu socdo xasuuq ka dhan ah dadka Afrikaans-ka ah.
Madaxweyne Ramaphosa ayaa muujiyay degganaansho iyo diblumaasiyad intii ay socotay eedaynta Trump, isagoo si daggan ugu sheegay in loo baahan yahay in Maraykanka iyo Koonfur Afrika si miyir leh ugu wada hadlaan arrintan.
“Waxa aynu nahay laba dal oo saaxiib ah, waxaad walaac ka muujisay xaalad waddankayaga ka jirta, waxaana rabnaa inaan arrintan kaala hadalno. Waa in aynu si daggan uga hadalnaa. Nelson Mandela ayaa na baray in marka ay dhibaato jirto, miiska dushiisa lagu xalliyo,” ayuu ku jawaabay Ramaphosa.
Ramaphosa ayaa sheegay in aanay jirin dhibaato gaar u ah dadka caddaanka ah ee Koonfur Afrika, balse ay dhibta la wadaagaan dadka madowga, casaanka iyo caddaankaba leh ee reer Koonfur Afrika, maadaama tuugada, dilalka iyo beegsiga dadka kala duwan ay caan ka yihiin dalkaas.
Trump, oo eedayntiisa sii watay, ayaa ku baaqay in la xidho Julius Malema. Hase yeeshee, Ramaphosa ayaa sheegay in Koonfur Afrika tahay waddan dimuqraadi ah oo dadku fikirkooda si xor ah u cabbiri karaan, balse dowladda ahaan ay aad uga soo horjeedaan hanjabaadaha ka dhan ah caddaanka ee kasoo yeedhay Malema.
Malema ayaa dhankiisa sheegay in aanay jirin dad caddaan ah oo lagu laayay Koonfur Afrika, isla markaana dadka madow ay xaq u leeyihiin in ay hantaan dhulka beeralayda, oo marka laga reebo wax yar, intiisa badan ay dadka caddaanka ahi hantiyeen xilligii xukunkii midab-takoorka ee laga soo gudbay 1994.
Dowladda Maraykanka ayaa dhawaan magangalyo siisay dad caddaan ah oo sheegay inay kasoo qaxeen Koonfur Afrika kaddib weerarro ay kala kulmeen dad madow.