Khamiis, May 22, 2025 (HOL) - Ciidanka PSF ayaa ka jawaabay eedeyn culus oo uu dhawaan saxaafadda u marsiiyay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Feysal Sheikh Cali Jife-Jabsade, kaasoo ku eedeeyay inay ku howlan yihiin falal amni darro ah oo ka dhacaya Gaalkacyo.
Sarkaal ka tirsan PSF oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay, in eedeyntaasi ay tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn. Wuxuu sheegay in PSF ay mar walba u taagan tahay difaaca, midnimada iyo amniga Puntland, isla markaana aysan marnaba ka shaqeyn wax Puntland u horseedaya xasilooni darro.
Waxa uu sheegay inay jiraan dad dano gaar ah leh oo shacabka u gudbiya warar khaldan, kuwaas oo uu sheegay in ay PSF ka dhigayaan kuwo cadow ku tahay shacabka magaalada Gaalkacyo.
"Waxaan shacabka leennahay, niyad sami ku jooga. Yaan la idin marin habaabin. PSF waa ciidankii difaacayey Puntland, waa kuwii u dhintay, u dhaawacmay, uguna adeega daacadnimo,” ayuu yiri.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheikh Cali Jifo-jabsade, ayaa ku eedeeyay ciidanka PSF, inay u adeeggaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ku lug leeyihiin falal sharci-darro ah oo khatar ku ah amniga Puntland.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay PSF ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ay yihiin kuwo si gaar ah loogu talagalay abuurista isku dhacyo ciidan iyo fowdo, taas oo lagu carqaladeynayo xasilloonida magaalada Gaalkacyo.