Khamiis, May 22, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ahaa dadaalada uu madaxweyne Xasan Sheekh ku eegayo xaaladda guud ee hay’adaha dowladda, gaar ahaan dhanka amniga iyo difaaca dalka.
Madaxweynaha ayaa xarunta Wasaaradda kulan kula qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi, hoggaanka sare ee ciidanka Qaranka oo uu u horeeyay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf, Lataliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin ku saabsan xaaladda amniga iyo qorshayaasha horumarinta ciidanka ka dhageystay madaxda Wasaaradda, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib u habeynta iyo tayeynta ciidamada Qaranka.
Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa bogaagaadiyey guulaha ciidamada qalabka sida ee furimaha dagaalka ku jabiyey Al-shabaab, wuxuuna markale adkeeyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay xoojinta iyo dib u habaynta ciidanka qalabka sida.