6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 23, 2025
Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka digay in dalka uu kusii socdo burbur
 

Jimco, May 23, 2025 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa warqad furan u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaa uu kaga hadlay dhaliil xoogan uu u haayo Dowladda iyo jihada ay hadda kuwado Siyaasadda dalka.

Guuleed oo door weyn ku lahaa abaabulka siyaasadeed ee bilawgii hore ee lagu taageeray in Xasan Sheekh talada dalka qabto, isla markaana muddooyinkii u dambeeyay ahaa ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan wada hadallada Somaliland, ayaa walaac xooggan ka muujiyey jihaynta dalka.

Hadal uu si adag u soo saaray Guuleed, waxa uu kaga digay in Qaranka uu wajahayo marxalad adag, Waxa uu carabka ku dhuftay in ay sii xumaaneyso midnimada Qaranka, kala daadsanaanta ciidamada qalabka sida, iyo kala qeybsanaanta sii kordheysa ee ka dhex jirta shacabka Soomaaliyeed, taasi oo muujineysa in siyaasadda dalka sii xumaanayso.

Guuleed ayaa ku nuux-nuux saday in jawiga siyaasadeed ee hadda jira uu halis u yahay in uu horseedo kala qeybsanaan ka dhalan karta bulshada Soomaaliyeed, taasi oo uu ku tilmaamay mid khatar ah oo aan la mahdin doonin.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in natiijada nuucaan ah aan marnaba laga fileyn in uu dalka ku hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Marka la eego xiriirka dhow ee Guuleed uu la leeyahay Madaxweynaha iyo doorkiisii ​​sare ee dublamaasiyadeed, hadalkiisa waxa uu xambaarsan yahay miisaan siyaasadeed oo muhiim ah, Dhaleeceyntiisa looma arko mucaaradnimo caadi ah balse waa digniin culus oo ka timid mid ka mid ah dadka aadka ugu kalsoonaa Madaxweynaha Soomaaliya.

HALKAAN HOOSE KA AKHRI DHAMBAALKA UU GUULEED U DIRAY MADAXWEYNAHA