6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 23, 2025
Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay waqtiga uu dhaqan galayo Xeer nidaamiyaha dareere hoosaadka Batroolka
 

Jimco, May 23, 2025 (HOL) - Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in Xeer-nidaamiyaha Dareera-hoosaadka Batroolka la dhaqan-gelinayo laga bilaabo 21-ka June 2025.

War kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabadaan ay tahay mid lagu go’aamiyay shir muhiim ah oo qabsoomay 21-ka May 2025, Xeerkan ayaa lagu maamuli doonaa dhammaan ganacsiyada ku lugta leh sifaynta, kaydinta, iyo qaybinta shidaalka iyo gaaska gudaha Soomaaliya.

Wasaaradda waxa ay sheegtay in ay tixraaceyso shirkii qabsoomay 21ka May 2025 una dhaxeeyay Wasaaradda Batroolka iyo ganacsatada shidaalka iyo gaaska, kagana arinsadeen sida ugu habboon ee loo hirgelin karo Xeer-nidaamiyaha Dareera-hoosaadka Batroolka, ayna la wadaagtay ganacsatada Soomaaliyeed arrimaha soo socda:

1. Wasaaradda batroolka iyo kheyraadku waxa aay mudeynaysaa dhaqan galka hirgelinta xeer nidaamiyaha Dareera-hoosaadka (downstream).

2. Ganacsatadda shidaalka dalku waxa ay haystaan mudo hal bil ah oo ka bilaabmaysa 22k May 2025 kuna eg 21 June 2025 inaay u hogaansamaan waxa uu farayo xeer nidaamiyaha Dareera-hoosaadku (downstream).

3. Wasaaradu waxaay ka filaysaa ganacsatadda shidaalka iyo gaasku ineey kusoo dhamaystiraan kuna soo buuxiyaan dhamaan sharuudaha lagu sheegay xeer nidaamiyaha Dareera-hoosaadka (downstream).

4. Laga bilaabo 21ka June 2025 noocyada kala duwan ee shidaalka iyo gaaska ee loo soo dhoofinayo Soomaaliya waa iney ahaadaan kuwo heerkooda iyo tayadooduba u hoggaansan tahay halbeegyada khuseeya heerka iyo tayada shidaalka ee ku cad Xeer-nidaamiyaha Dareera-hoosaadka Batroolka.

5. Laga bilaabo 21k June 2025 shirkadihii usoo dhoofiya Soomaaliya shidaal iyo gaas ay tayadoodu waafaqsanayn halbeega lagu sheegay xeer nidaamiyaha wajihi doonaan sharciga.

Wasaaradda Batroolka ayaa uga mahadcelisay ganacsatada batroolka iyo gaaska Soomaaliyeed wadashaqayntooda, waxayna ku dhiiraggelisay kuna boorrisay in si buuxda ugu hoggaansamaan shuruucda iyo xeerarka horumarinaya isla markaana ilaalinaya tayada iyo heerka batroolka iyo gaaska.