Jimco, May 23, 2025 (HOL) - Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo markii ugu horreysay si rasmi ah magaalada Geneva ugu qabatay munaasabad heer caalami ah oo qeyb ka ah Shirweynaha Caafimaadka Adduunka (WHA78), ayaa ugu baaqday wadamada caalamka maalgashi ay ku sameeyaan caafimaadka dalka.
Munaasabadan waxaa lagu lafaguray doorka Soomaaliya ee horumarinta daryeelka caafimaad ee bulshada, waxaana ay ahayd madal muhiim ah oo ay isugu yimaadeen madax sare oo caalami ah, wakiillo ka socday hay’adaha caafimaadka adduunka, deeq-bixiyayaal, iyo saaxiibada Soomaaliya.
Madashaan waxaa kusugnaa Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Ali Haji Adam, Agaasimaha Guud ee Hay’adda caafimaadka aduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus, Marwo Khadra Ahmed Dualle, Safiirka Soomaaliya ee Switzerland ahna Wakiilka Joogtada ah ee Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga,
Wasiirka Caafimaadka Dr. Ali Haji Adam ayaa shaaca ka qaaday sida loogu baahan yahay taageero dhab ah oo caalami ah si loo xaqiijiyo adeeg caafimaad oo waara, loo siman yahay, islamarkaana bulshada Soomaaliyeed u horseeda mustaqbal caafimaad qaba.
Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus, Agaasimaha Guud ee WHO, ayaa muujiyay bogaadin iyo dhiirrigelin uu u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka, isagoo tilmaamay in la arkayo horumar muuqda iyo dadaal joogto ah oo ku wajahan tayeynta adeegyada caafimaadka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Guuleed ayaa ka jeediyay warbixinta guud ee Wasaaradda Caafimaadka asiga oo la wadaagay kaso qeyb galayaasha guulaha la gaaray ee caqabadaha wali jiro iyo baahida loo qabo in la helo maalgalin caafimaad ee dhameestiran.
Wasaaradda caafimaadka ayaa ugu dambeyn beesha caalamka ugu baaqay in ay si buuxda ula garab istaagto Soomaaliya dadaallada socda ee lagu xoojinayo nidaamka caafimaadka, taas oo fure u ah amniga caafimaad ee dalka iyo guud ahaan gobolka.