6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 24, 2025
Taliye Sanbaloolshe oo Madaxda dowladda ugu baaqay in laga faa'ideysto awooda ciidanka Macawiisleeyda
 

Sabti, May 24, 2025 (HOL) - Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si weyn ugu amaanay ciidanka Macawiisleeyda beesha Xawaadle sida ay uga go'an tahay dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Agaasime Sanbaloolshe ayaa khudbad xasaasi aheyd ka jeediyay kulan ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan oo ay goobjoog ka ahayeen, Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle, saraakiisha ciidamada, Hoggaanka Macawiisleyda iyo qaar ka mid ah waxgaradka beesha.

Taliyaha hay'adda NISA ayaa ka dalbaday Macawiisleeyda beesha Xawaadle ineysan ku ekaanin difaaca deegaanadooda kaliya oo ay gacan ka geystaan sidii Al-shabaab looga xureyn lahaa deegaanada kale oo ay ku sugan yihiin kooxda.

“Dagaalka aan anaga hada ku jirno keliya ma ahan inan difaacanayno deegaanadeena ee waa inaan soo celina dhamaan deegaanadii ay qabsadeen Khawarijta, maxaa yeelay nimankan inta Aadan Yabaal, Ceelbaraf iyo Ceel Cali Axmed ay difaac uga jiraan oo godad uga qodan yihiin nabad kuma seexan karno, welwel la’aan kuma seexan karno oo kalsooni kuma seexan karno.” ayuu yiri Agaasimaha Hay’adda NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe ayaa sidoo kale u sheegay  Macawiisleeyda Xawaadle iney astaan u yihiin guud ahaan umada Soomaaliyeed, islamarkaana horay iyo gadaal ay u dhaw dahay iney  yihiin horay usii socdaan, islamarkaana kooxdu ay marayaan xaalad quus ah.

“Waxaan aad iyo aad idiin kugu guubaabinayaa adkeysiga aad sameyseen iyo calaamada aad Soomaali u tihiin, oo Shabaab markii horena aad sarteen oo madaxiisa aad bajiseen oo aad tusteen in laga adkaan karo, markii la joogay 2022. Maalintaas iyo maantana waad ogtihiin oo difaac kama aadan bixinaha oo dagaal kama bixin, oo intaas waxay qorsheynayeen inay na qaybiyaan oo ay na cadaadiyaan oo aan is dhiibno, oo ay na kala furfuraan oo na xoogaan oo na san duleeyaan, marnaba arrinkaas isaga ah madaxa uma raaricin.” ayuu yiri Agaasimaha hay'adda NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Wuxuu sidoo kale Taliye Sanbaloolshe uu ugu baaqay beelaha gobolka degan ee aan qeybta ka ahayn dagaalka mudada dheer socda iney kusoo biiraan oo ay qaataan kaalintooda.

“Waxaan codsi u soo jeedinayaa inuu dadku isa soo raaco, naf iyo maalba wixii ay u huri karaan inay u soo huraan.Waxaan codsi u jeedinayaa in Shabaab maanta waxa u haray waa yar yihiinee aan is raacino, guul aan idiinka baqiilaynana ma jirto, guushana waa isla leenahay, guul daradana waan isla leenahay” ayuu yiri taliye Sanbaloolshe.

Agaasime Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa Madaxda dowladda Fedaraalka ugu baaqay in laga faa’iideysto cududda ciidanka difaaca deegaanka inta ay ka go’an tahay dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

“Dowladda Soomaaliyeed waxaan leeyahay meeshaan waxaa ka furan fursad militari oo Shabaab lagu jebin karo, rabitaanka, geesinimada iyo go’aanka dadka deegaankan laga faa’iideysan karo. Waxba yaan la cago jiidin, waxba yaanan shirar waqti lagu luminin. Dab meeshuu ka shidan yahaa la rabaa in qoryaha lagu sii shido.” ayuu yiri Taliye Sanbaloolshe.

Si kastaba ha ahaatee Macawiisleyda reer Hiiraan ayaa xudun u ah dagaalka ka socda dalka ee dowladda Fedaraalka ku dooneyso in Al-shabaab looga xureeyo guud ahaan dalka.