Axad, May 25, 2025 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa wafdi sare u diray magaalada Gaalkacyo, halkaas oo uu ka socdo abaabul kacdoon bulsho oo looga soo horjeedo sida maamulka uusan wax uga qaban baahiyaha ka jira gobolka Mudug, gaar ahaan xayiraadda la saaray mashaariicda dowladda Federaalka u qoondeysay gobolka.
Shacabka Gaalkacyo ayaa ka cabanaya in maamulka Puntland xoogga saaray horumarinta gobollada kale, halka Mudug oo ay sheegeen inuu ahaa mid taageero weyn siiyay dib u doorashada madaxweyne Deni la dayacay, loona muujiyay indho la’aan xagga waxqabadka.
Cabashooyinka ugu waaweyn ee shacabka ay muujiyeen waxaa kamid ah hakadka ku yimid mashruuca dhismaha waddada isku xirta Xarfo iyo Gaalkacyo, dayactirka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, ka saarista biyaha roobka ee magaalada, iyo dhameystirka isbitaalka gobolka Mudug kaas oo weli aan dhammaan tan iyo qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee Gaalkacyo ka dhacay sanadkii 2016.
Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan golayaasha Puntland ayaa tegay Gaalkacyo, iyagoo isku dayaya inay dejiyaan shacabka kuna qancinaya in la baajiyo kacdoonka laga abaabulayo magaalada.
Masuuliyiintaas ayaa bulshada u sheegay in maamulka Puntland uu hadda bilaabayo fulinta mashaariicdii hakadka gashay, iyagoo xusay in mashruuca dhismaha waddada Xarfo-Gaalkacyo uu yahay mudnaanta koowaad. Sidoo kale, waxay sheegeen in maamulka uu ka shaqeynayo xal waara oo lagu wajaho biyaha roobka ee magaalada fariista.