6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 25, 2025
Shirka Wadatashiga Ururrada Siyaasadda iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo goordhow ka furmay Muqdisho
 

Axad, May 25, 2025 (HOL) - Shir ballaaran oo u dhexeeya ururrada siyaasadda ee diiwaangishan iyo Xukuumadda Federaalka ayaa si rasmi ah ufurmay, Waxaana Kasoo qeyb galay Madax sare oo ka socoto Hay'adaha kala duwan ee Dowladda oo uu ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasiir dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda, shirkaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga qabanqaabada Gogosha Qaran, ee uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xassan Macallin Maxamuud.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha Amniga, Dastuurka iyo Doorashooyinka, waxaana uu gogol xaar u yahay shir weynaha uu Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheikh Maxamuud ku baaqay si loo helo isfaham siyaasadeed oo qaran.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda JFS, Xasan Macallin Maxamuud oo maanta furay kullanka wadatashiga u dhexeeya Xukuumadda iyo ururrada siyaasadeed kaas oo looga hadlayo arrimaha masiiriga ah ee dalka  ayaa sheegay in muddo dheer dalka ka maqnaa nidaamka ururrada siyaasadeed, balse Xukuumadda DanQaran ay si dhab ah ugu hawlan tahay dib u soo celinta nidaamkaas, iyadoo tallaabada ugu horreysa ay ahayd dib u eegista Dastuurka.

"Muddo dheer dalka waxa ka maqnaa nidaamka ururrada siyaasadeed. Xukuumadda DanQaran ee hadda jirta waxay si daacad ah ugu hawlan tahay sidii dib loogu soo celin lahaa nidaamkaas ku saleysan ururrada siyaasadeed, iyadoo tallaabadii ugu horreysay ahayd dib u eegista Dastuurka dalka. Maanta waxaan kusoo laabannay waddadii saxda ahayd oo  muddo dheer aan ka maqneen.” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin Maxamuud.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cali Cumar Cali (Cali Balcad) oo ka hadlay Kullanka latashiga ururada siyaasadda dalka iyo Xukuumadda Federaalka, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay marayso marxalad cusub oo lagu dhisayo nidaam doorasho dimuqraadi ah, shirkaanna gogol xaar u yahay wada-tashi Qaran oo lagu xaqiijinayo in shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah u doortaan ciddii mataleysa, asaga oo intaas ku daray in Madaxdii hore ee dalka soo xukuntay qeyb ka yihiin  gogosha uu Madaxweynuhu iclaamiyay.

Wasiir dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xirsi Jaamac Gaani ayaa ka dhawaajiy in dalka uu u jiheystay ururada xisbiyada,  waxaana cadeeyay in wadooyinkii lagu soo hoogay  in aan soo xirno waa in umadda dhan dheerigaliyo tahay, waana wadada kali ah ee looga bixi karo isjiid jiidka mudda dheer jiray.

Kamaal Guutale, Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in doorasho qof iyo cod ah ay tahay tiir muhiim u ah  dowlad-dhiska, islamarkaana loo baahan yahay wada-tashi iyo midnimo qaran.

Prof. Cabdullahi Xirsi Diirshe (Daacad) oo ku hadlay Afka Ururrada Xisbiyada Siyaasadeed, ayaa si diirran u soo dhaweeyay kullanka wadashiga ee Xukuumadda Federaalka iyo ururrada siyaasadda, isaga oo sheegay in ay taageersanyihiin gogosha qaran ee uu Madaxweynaha ku baaqay, kuna tilmaamay tallaabo masiiri ah oo xoojinaysa midnimada iyo wada-tashiga siyaasadeed.