6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 25, 2025
Hirshabelle oo ku dhawaaqday iney xiriirka wada shaqeynta u jartay Hay’adda SODMA
 

Axad, May 25, 2025 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee maamulka Hirshabelle ayaa lagu shaaciyay in Wasaaradda si rasmi ah u jartay xiriirkii wada shaqeynta ee kala dhexeeysay Hay’adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka ee dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee maamulka Hirshabelle ayaa ku eedeysay Hay'adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliya ee SODMA ku tagrifal gargaarka loogu talagalay shacabka Hirshabelle.

"Go’aankan waxa uu salka ku hayaa is-faham la’aan joogto ah, ku tagrifal gargaarka loogu talagalay shacabka Hirshabelle, iyo hufnaan la’aan ka muuqata hab-maamulkii gargaarka, gaar ahaan dhacdadii dhawaan ka dhacday degmada Moqokori ee la geeyay afar kartoon oo dawo ah si aan habboonayn" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee maamulka Hirshabelle.

Warkaan kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabelle ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay hay'adda SODMA ay geysay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan dhowr kartoon oo ahaa gargaar daawo ah oo ay sheegtay iney ugu talo gashay ciidanka Macawiisleeyda, waxaana gar gaarkaasi si weyn u dhaliilay guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo shacabka reer Hiiraan oo ku tilmaamay mid aanan u qalmin ciidanka Macawiisleeyda.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka dhameystiran:-