6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 25, 2025
Madaxweynaha Jabuuti oo weerar afka ah ku qaaday dowlada Imaaraatka Carabta
 

Axad, May 25, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si adag u dhaliilay Dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo ku eedeeyay inay mashaariicda maalgelineed ee ay ka wado Afrika ay u adeegsanayso sidii ay saameyn militari ugu yeelan lahayd gobolka.

Wareysi uu siiyay Radio France Internationale, ayuu Madaxweyne Geelle ku sheegay in olole dhaqaale oo Imaaraadku ku bixiyay ku dhawaad $110 bilyan oo doolar uu dhab ahaantii yahay qorshe istaraatiiji ah oo lagu doonayo in lagu ballaadhiyo joogitaankiisa militari ee Afrika, isla markaana loo ekaysiiayay in uu samaynayo horumarin dhaqaale.

“Imaaraadku waxa uu si weyn u wiiqaya xasilloonida gobolka,” ayuu dhiyi Geelle. “Maaha kaliya maalgelin dhaqaale waxay si toos ah ula xidhiidhaa dano militari oo halis gelinaya madax-bannaanida iyo xasilloonida waddamada Afrika.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in Jabuuti ay horey u diiday codsi Imaaraadku ku doonayay in saldhig militari laga siiyo dhulkeeda kadib markii loo diidayna uu Imaaraadku u weecday dalal daris ah, isagoo raadinaya meelo istaraatiiji ah oo marin u ah Badda Cas.

“Maalgelinta lagu lifaaqayo damac militari oo ay sameeyaan dalal shisheeye waxay khatar ku tahay nabadda gobolka,” ayuu yidhi “Waa in aan si taxaddar leh u eegnaa iskaashiyada noocan ah si aynaan u lumin madax-bannaanideenna.”

Imaaraadku weli kama kamuu jawaabin eedeymaha Madaxweynaha Jabuuti. Hase yeeshee, mas’uuliyiinta Imaaraadku waxay horay u difaaceen maalgelintooda Afrika iyagoo ku andacoonaya inay tahay mid lagu taageerayo kobaca dhaqaalaha iyo amniga gobolka.

Hadalka Madaxweyne Geelle wuxuu imaanayaa xilli waddamada Khaliijku ay si gaar ah indhaha ugu hayaan maalgashiga Afrika, isla markaana Imaaraatka ayaa si gaar ah loogu eedeeya in uu maalgaliyo dhaqdhaqaaqyo nabad diid ah oo hagardaamo u gaystay dowladaha qaarkood sida kooxda RSF ee ka dagaalanka Suudaan.

Jabuuti iyo Imaaraatka ayaa sannado ka hor isku dhacay kadib markii ay isku fahmi waayeen maalgalin ay shirkada DP World ku samaynaysay mid kamid ah dekedaha Jabuuti, iyada oo markii danbe Imaaraatku uu u wareegay Somaliland iyo Puntland oo uu ka sameeyay maalgashi.