6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 25, 2025
Booliiska Soomaaliya oo qabtay eedaysane loo haysto dilka cayaaryahan Cabdifataax Carab
 

Axad, May 25, 2025 (HOL) - Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay Shariif Maxamed Axmed, oo ku eedaysan inuu dilay Cabdifataax Cabdi Cismaan (Carab) oo kamid ah shaqaalaha Astaan Tv.

Booliisku ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida loosoo qabtay eedeysanaha, balse sawirkiisa iyo magaciisa ayaa lagusoo daabacay bogga rasmiga ah ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in kiiska eedaysanaha la horgeyndoono Maxakamadda Awooda uleh.

Cabdifataax Carab ayaa saakay lagu dilay Muqdisho xilli uu ku guda jiray gudashada waajibaadkiisa shaqo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Astaan Tv.

"Waxaan murugada la qaybsaneynaa dhammaan Hawlwadeenada, Ehelka, Qaraabada iyo Qoyska Cabdifataax Cabdi Cusmaan (Carab) oo ahaa ciyaartoy heer qaran kana tirsanaa Hawlwadeenada Astaan, oo lagu dilay saaka magaalada Muqdisho xilli uu gudanayay waajibaadkiisa shaqo." ayeey tiri Astaan Tv.

Allaha u naxariistee marxuumku wuxuu horey u ahaa kabtankii Saxafi FC, sidoo kalena wuxuu u soo ciyaaray kooxo kale oo dalka ka dhisan sida Elman iyo Banaadir Telecom, isagoo marar badanna matalay xulka qaranka Soomaaliya.

Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay dilka cayaaryahankan, iyagoo sheegay in si gardarro ah loo dilay.