6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 26, 2025
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo ka hor yimid mooshin xildhibaanada looga jarayo $500 oo mushaarkooda ah
 

Isniin, May 26, 2025 (HOL) - Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hor yimid mooshin sabtidii la hor keenay baarlamaanka, kaasi oo dhigayay in xildhibaannada mushaarkooda laga jaro $500 oo bil kasta ah.

Sida uu sheegay guddoonka Baarlamaanka, dhaqaalahan laga jarayo mushaaraadka xildhibaanada ayaa loogu talagalay in lagu taageero ciidamada Mucaawisleyda ee ku sugan gobolka Hiiraan, kuwaasoo dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaan Cabdirashiid Jiley  iyo xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa si weyn uga hor yimid mooshinkan, iyagoo ku tilmaamay qorshe dowladda federaalku ay ku doonayso inay si gaar ah u maalgeliso ciidan ka howlgala deegaan gaar ah.

“Waxaan aaminsanahay in loo baahan yahay istiraatiijiyad qaran oo dhameystiran, si caddaalad ahna loogu taageero dhammaan ciidamada Soomaaliyeed ee dagaalka kula argagixisada,” ayuu yiri Xildhibaan Jiley.

Xildhibaan Jiley ayaa xusay in dowladda aysan wax taageero ah ka siinin ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Daacish, isagoo intaas ku daray in sidoo kale ciidamada ku sugan Koonfur Galbeed ay u baahan yihiin taageero dowladda ka timaada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), ayaa sheegay in xildhibaanada ay saaran tahay mas’uuliyad qaran oo ku waajibtay in ay garab istaagaan ciidamada Soomaaliyeed ee halganka ugu jira la-dagaallanka argagixisada.

Fadhigii sabtida, buuq ka dhashay mooshinkan, laguma guulaysan meel marintiisa si uu u noqdo qaraar rasmi ah oo dhaqan gala, kadib muran xooggan uu ka dhex bilowday Golaha dhexdiisa.