6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 26, 2025
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya oo digniin kasoo saartay xilliga bad-xiranka
 

Isniin, May 26, 2025 (HOL) - Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku wajahan ganacsatada, kalluumeysatada, milkiilayaasha gaadiidka badda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed kaa oo ku saabsan in uu bilowday xilliga bad-xiranka, oo ah xilli ay ka jiraan mowjado iyo dabeylo xoog leh Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

War ay soo saartay wasaaradda waxa ay tilmaamtay in Muddada uu bad-xiranka socon doono ay tahay laga bilaabo 26 May 2025 ilaa 15 Sebtember 2025, waxaana ay ka digtay inaan xiilliyadaan inta lagu gudajiro aan loo dhowaan karin badda maadama mowjadaha culus ay sababi karaan khasaare hanti iyo mid nafeed.

“Wasaaraddu waxay kau wargelineysaa dhammaan dadka ay khusayso in ay digtoonaadaan inta lagu jiro muddadan, gaar ahaan doomaha yaryar, kuwa waaweyn, iyo maraakiibta cabirkoodu ka yar yahay 1,500 Metric Ton, maadaama xaaladda badda ay noqon karto mid khatar ah, Sidoo kale, shacabka waxaa si gaar ah loogu digayaa in aysan ku dabaalan badda muddadaas, si looga fogaado halis naf iyo hantiyeed ah oo ka dhalan karta xaaladaha cimilada. “ ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badda ee Soomaaliya.

Waxaana ay Wasaaraddu ku tilmaamtay in Ujeeddada wargelintan ay ku timaaday in la ilaaliyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed iyo hantidooda, iyadoo la tixgelinayo khataraha laga filaayo xaaladda cimilada ee badda xilligan, waxaana sidoo kale ay Wasaaraddu ku dhiirrigelisay qof walba inuu si xilkasnimo leh uga jawaabo digniintan.

Admiral Faarax Qare oo khabiir dhinaca badda ah ayaa sheegay in badda khatarteedi ay aad u sareeyso maalmahaan loona baahan yahay in shacabka loo sameeyo wacyigelin ayna iska ilaaliyaan inay ku kadsoomaan inta lagu guda jiro waqtigaan ay baddu kacsan tahay.