6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 26, 2025
Madaxweynaha Somaliland oo safar ugu kicitimay dalka Kenya
 

Isniin, May 26, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta safar shaqo oo socon doona muddo dhawr cisho ah ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Safarka Madaxweynaha waxa ku wehelinaya Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka, Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka, iyo Madaxa Xafiiska Madaxweynaha (Chief of Staff). Sidoo kale, Madaxweynaha waxa ka sii horreeyey La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha iyo Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, sida ay sheegtay Madaxtooyadu.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisu muddada ay ku sugan yihiin Nairobi waxa uu kulammo la yeelan doonaa xukuumadda dalka Kenya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne William Ruto, isaga oo kala hadli doona arrimo door ah oo mudnaan gaar ah u leh Qaranka JSL,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Madaxweynuhu inta uu ku sugan yahay dalka Kenya waxa uu kulammo gaar ah la yeelan doonaa hay’adaha caalamiga ah iyo qaar ka mid ah safaaradaha waddamada dunida ee xarumahoodu yihiin magaalada Nairobi.

Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu xadhigga ka jari doonaa dhisme cusub oo casri ah oo uu yeelan doono Xafiiska Wakiilnimada Somaliland ee dalka Kenya, kaas oo dhawaan la dhisay.

Madaxweynuhu hore ayuu u sheegay in xukuumaddiisu ay muhiimad gaar ah siinayso xidhiidhka ay Somaliland la leedahay waddamada Kenya, Itoobiya, Imaaraatka Carabta, iyo Jabuuti. Intii uu xilka hayayna, waxa uu safarro ku tagay dalalka Imaaraatka iyo Jabuuti.