Hiiraan Online
6/23/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, May 26, 2025
Himilo Qaran oo Guddiga Doorashooyinka ku eedeeysay inay awood ku diiwaangelinayan Ardayda Wax kabarata Jaamacadaha
Isniin, May 26, 2025 (HOL) - Xibsiga Himilo Qaran ayaa sheegay inay sikulul u cambaaraynayaan iskuday ay ku sheegeen in guddiga doorashooyinka uu si qasab ah ugu cadaadinayo hay'addaha waxbarashada Magaalada Muqdisho sida ardayda Jaamacadaha iyo iskuulada inay isku diiwaangaliyaan nidaam doorasho oo aan heshiis lagu ahayn.
Warsaxaafadeed uu Xisbiga soo saaray ayaa waxaa shaaca looga qaaday in Xisbigu mar walba hoosta ka xariiqayo islamarkaana rumeysanyahay xaquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doorasho xor iyo xalaal ah taasoo micnaheedu yahay inaan muwaadinka sinnaba loogu qasbi karin doorasho ku sheeg hal dhinac ah.
Xisbiga Himilo Qaran ayaa uga digay guddiga doorashooyinka sii socoshada cadaadiska ka dhanka ah bahda waxbarashada Waxaana sidoo kale ay ku dhiirigeliyeen hay'addaha waxbarashada madaxa-bannaan ee Magaalada Muqdisho inay iska diidaan falalka gurracan ee uu wado guddiga halka dhinac ah ee doorashooyinka.
Ugu dambayn, Himilo Qaran waxa ay warkeedi ku sheegtay in muddo xileedka hay'addaha dastuuriga ah ee DFS uu ka haray waqti kooban uuna xisbiga Himilo Qaran ugu baaqayo madaxda dowladda inay xoogga saaraan hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay si looga baaqsado hubanti la'aan siyaasadeed.
Guddiga Doorashooyinka ayaan ilaa hadda ka jawaabin eedeymaha ka imaanaya xubnaha ugu cad cad ee Mucaaradka Dowladda, eedeeynta Xisbiga Himilo waxaa ka horeeyay mid sidaani oo kale ah uu jeediyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.