6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 26, 2025
Garaadka Guud ee SSC oo Somaliland ugu baaqay inay nabad ama colaad mid uun qaadato
 

Isniin, May 26, 2025 (HOL) - Garaadka Guud ee SSC Khaatumo, Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa Somaliland ugu baaqay inay nabad ama colaad mid uun qaadato, balse aanay ka talin karin dhulka SSC Khaatumo.

Waxa uu sheegay in wali aan laga helin nabad Somaliland, hase yeeshee Suldaanka Guud ee Somaliland uu nabad qaatay, maadaama, sida uu sheegay, uu kasoo jeedo sandalad fac weyn oo talo-qabeen ah.

"Waan leeyahay dagaalka dani kuma jirto, laakiin nimankii dhibku inaga dhexmaray ilaa iyo hadda nabad kama hayno. Aan ka reebo Suldaan Daa’uud Suldaan Cabdiqaadir oo war cad oo la garan karo noo sheegay. Guryihiinna kuma soo socdo, kaygana in aad kusoo duushaan ma ogoli," ayuu yidhi Garaad Jaamac.

Waxa uu Somaliland ugu baaqay inay laba mid uun qaadato: in colaad toos ah la qaato oo markale la is-hujuumo, ama inay nabad qaadato oo ku dhawaaqdo in aanay shaqo ku lahayn maamulka SSC Khaatumo.

Waxa uu sheegay in hadalka Somaliland ee ah inay nabad kusoo celinayso Sool Bari uu yahay qorshe aan shaqaynayn, xalka kaliya na uu yahay in la aqbalo maamulka SSC Khaatumo.

Qaar kamid ah Garaadada SSC iyo Suldaanka Guud ee Somaliland, Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa dhawaan si wadajir ah ugu dhawaaqay nabad.