Hiiraan Online
6/23/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, May 27, 2025
Ciyaartooy heer caalami ah oo maanta kusoo wajahan magaalada Muqdisho
Talaado, May 27, 2025 (HOL) - Waxaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan wafdi heer sare ah oo ka socda xiriirada kubadda cagta Aduunka, Afrika ee FIFA iyo CAF.
Wafdigan ayaa waxaa qeyb ka ah halyeeyo caan ka ah kubadda cagta Qaaradda Afrika, oo ay ka mid yihiin Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor iyo Jay-Jay Okocha, waxaana wafdigaan ay casuumaad rasmi ah ka helen xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Dahabo Suusow Maxamuud, ayaa u sheegtay warbaahinta Qaranka in Shacabka muxaafid iyo mucaaradba looga baahan yahay inay soo xaadiraan Garoonka Stadium Muqdisho oo Ciyaartooyda lagu soo dhoweyn doono.
Halyeeyadaan Afrikaanka ah ee mar caanka ka ahaa dalalkooda iyo horyoolada qaarada Yurub ayaa kulan saaxiibtinimo ku cayaari doono garoonka Muqdisho Stadium xidagaha xulka qaranka Soomaaliya iyo xigaha ajaaniibta ah ee ka cayaara horyaalka Soomaaliya.
Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa sheegay in kulankani uu yahay mid muujinaya soo kabashada dalka iyo amniga oo mudo dheer aanan lagu dhiira jirin in gudaha Soomaaliya ka dhici karaan kulamo heer caalami ah.
Inta badan magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn looga dareemaya u diyaar garowga qabanqaabada lagu soo dhaweynayo halyeeyadaan caanka ah ee kuso fool leh magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.