Talaado, May 27, 2025 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in barnaamijyo naf-badbaadin ah oo ay hay’adda USAID ka waddo Soomaaliya ay wali shaqeynayaan, kuwaas oo ay ku jiraan kuwa cunto iyo nafaqo lagu siiya carruurta nugul.
Warbixin ay soo saartay hay’adda USAID ayaa lagu sheegay in laga shaqeynayo in la hubiyo sii wadiddooda barnaamijyadan marka gargaarkaasi uu hoos yimaado Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka laga bilaabo 1-da Luulyo.
Si kastaba ha ahaatee, shaqaalaha gargaarka ee caalamiga ah ayaa sheegay in Mareykanku uusan si cad u muujin barnaamijyada la badbaadinayo ama waxa dhici doona marka 1-da Luulyo laga gudbo.
CARE oo kamid ah hay’adaha aadka ugu tiirsan dhaqaalaha USAID ayaa ka digtay in ilaa 4.6 milyan oo qof oo Soomaali ah ay wajahayaan gaajo daran bisha Juun, taasoo koror ku ah boqolaal kun marka loo eego saadaashii hore ee ka hor jarista gargaarka.
Saameynta ugu daran ayaa laga dareemayaa Muqdisho iyo miyiga ku hareereysan, halkaas oo ay ku barakaceen in ka badan 800,000 oo qof. Xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla duleedka magaalada waxaa xirmay goobo badan oo quudinayey dadka baahan.
Dadka qaar ayaa wali imaanaya xarumo albaabada la isugu dhuftay, iyagoo rajo ka qaba in gargaar uu mar kale yimaado.
Intii u dhaxeysay Abriil iyo Maay, in ka badan 500 oo carruur ah oo nafaqo-xumo la ildaran ayaa la dhigay xarunta nafaqo ee isbitaalka Banaadir, sida uu sheegay Dr. Maxamed Jaamac oo ka howlgalla isbitaalka Banaadir.