6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 28, 2025
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo iska fogeeyay in dowladiisu lug ku leedahay kala qaybinta ONLF
 

Arbaco, May 28, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa been abuur ku tilmaamay eedo uu u soo jeediyay garab ka mid ah ONLF oo dibad wareeg ah, kuwaas oo sheegay in dowladdiisu ay ururka laba garab u kala jabisay.

Madaxweynaha oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa isagoo ka jawaabaya eedahaas sheegay in dowladdu aysan wax cadaadis ah saarin ururka, isla markaana aanu jirin qof ka tirsan ONLF oo maanta xabsi ku jira, ama xafiis ururku leeyahay oo la xidhay.

"Ma jiro qof ama xafiis laga xidhay ONLF. Waxaa jirtay maalin xasaasiyad kale taagnayd oo la lahaa inan ayaa la dilay, shir bay lahaayeen, dib u dhig ayaa lagu yidhi. Booliisku meesha wuu tegay, dad la jiid-jiiday iyo dad yar oo la xidhay ayaa jiray. Dhacdadaas wax ka baxsan ma jiraan" ayuu yidhi Madaxweyne Cagjar.

Madaxweyne Cagjar wuxuu iska fogeeyay eedaha sheegaya in dowladdiisu ay ONLF laba u kala jabisay, eedahaas oo uu soo jeediyay Guddoomiye Cabdikariin Sheekh Maxamed Mahdi (Maaday), oo sheegta inuu yahay guddoomiyaha saxda ah ee ONLF.

Wuxuu sheegay in Dowlada Deegaanka aysan sharciyad siin ururada siyaasadda, balse Guddida Doorashooyinka Itoobiya ay ogolaansho siiso cidda ay u aragto in ay sharci tahay.

Isagoo ka jawaabaya hanjabaadda Guddoomiye Maaday ee ah in ONLF ay markale duurka gali doonto, ayuu Madaxweyne Cagjar sheegay in arrintaasi aysan wax walaac ah ku hayn dowladdiisa. Wuxuu xusay in deegaanka aysan hadda suuragal ka ahayn in jabhad dib uga dilaacdo, wuxuuna garabka Maaday ku eedeeyay in ay xidhiidh la leeyihiin dowlado shisheeye.

"Cabashada ONLF waxa aanu ka qaban karnaa waa wixii la xidhiidha sharciyeynta ururka, taasoo ay kala xaajoon doonaan cidda ay khusayso. Haddii ay doonayaan in ay waddanka kusoo laabtaan, waan casuumaynaa. Wixii heshiis ah ee ay Itoobiya la galeenna, Itoobiya ha weydiiyaan," ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ururka ONLF ayaa hadda u kala fadhiya laba garab oo ay kala hoggaamiyaan Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbidhagax) iyo Cabdikariin Sheekh Maxamed Mahdi (Maaday). Qalbidhagax ayaa hoggaamiya garabka ay dowladda Itoobiya aqoonsan tahay, halka Maaday uu hoggaamiyo garab dibad wareeg ah.

Maaday ayaa dhawaan Madaxweyne Cagjar ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay kala jabka ururka. Madaxweynaha ayaa sheegay in siyaasadda ay ka mid tahay in ururrada iyo dowladuhu ay is wiiqi karaan oo ay dadka kala jiidan karaan, balse aysan dowladdu wax shaqo ah ku lahayn kala jabka ONLF.