6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 28, 2025
Guddoomiye Muuse Salaad “Anagu ilaa Shabaab naga adkaado ama aan ka adkaano ma joogsan doono dagaalka"

Arbaco, May 28, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa shaaca ka qaaday inaysan jirin meel ay dadka reer Hiiraan uga laabtaan dagaalka ay kula jiraan kooxda  Al-shabaab.

Wuxuu tilmaamay in dadka reer Hiiraan ay ka go’an tahay sii wadista dagaalka ay ku doonayaan iney kaga xureeyaan maleeshiyaadka Al-shabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan iyo guud ahaan dalka.

“Anagu ilaa Shabaab naga adkaado ama aan ka adkaano ma joogsan doono dagaalka oo waxan rajeynaynayna inaan ka adkaano mana istaagi doonto xabadeena,  hal ku dhigeenuna waa guul ama geeri. Soomaali inteeda kalena waxaan rajeynaya inay nagu soo ku dayato” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay gudoomiyaha gobolka Hiiraan in Al-shabaab ay culeysyo xoogan soo saareen deegaanada gobolka Hiiraan oo uu xusay iney yihiin meesha kaliya ee xabadu uga socoto kooxda.

“Istiraatiijiyadda dagaalka ayaa waxaa ka mid ah in meesha xabadda kaaga socoto inaad cududaada isugu gayso, si halkaasi aad guusha uga hesho. Marka taas uun bay hada isticmaalayaan Khawarijta waana ka guuleysan doona” Ayuu yiri gudoomiye Muuse Salaad.

Hadalka gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadeya, iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay qeybo badan oo ka mid ah gobolka Hiiraan ay dagaalo qaraar ku dhexmarayeen ciidanka Macawiisleeyda oo garab ka helaya kuwa xoogga dalka iyo kuwa kooxda Al-shabaab.