Arbaco, May 28, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa beeniyay in dad shacab ahi ku dhinteen isku dhicii dabayaaqadii sannadkii hore ka dhacay deegaanka Dacawalay, oo u dhexeeyay dadka deegaanka iyo ciidamada Liyuu Booliiska.
Madaxweynaha oo waraysi siiyay BBC Somali ayaa sheegay in xoogag falaago ah ay ka dagaalameen Dacawalay, wuxuuna ku andacooday in dadka la dagaallamay ciidamada deegaanka aanay ahayn dad shacab ah.
"Hal qof oo shacab ah kuma dhiman. Halkaas waxaa ku dhintay dablay hubaysan oo da’doodu ahayd da’da dagaalka. Geeljiraha deegaanka jooga haddii uu qoryo urursado oo uu ciidamada la dagaallamo, shacab ma aha," ayuu yidhi Madaxweyne Cagjar.
Waxa uu sheegay in dadka ciidanka la dagaallamay ay ahaayeen dad kasoo gudbay xuduudda Somaliland, jabhado deegaanka ku sugnaa, iyo dad shacabka ka mid ah oo markii dambe hub qaatay. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in qof kasta oo qori qaata aanu shacab ahayn.
Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu sheegay in inkastoo xaaladda deegaanka Dacawalay haatan degan tahay, ay haddana jiraan xoogag kasoo kala jeeda Deegaanka Soomaalida iyo Somaliland, oo uu sheegay in qabiil madax-maray kuwaasi oo doonaya inay dib u huriyaan colaadda.
Wuxuu ku eedeeyay kooxahan inay doonayaan inay mijo xaabiyaan xukuumadda cusub ee Somaliland iyo tiisa, isla markaana ay colaadda uga faa’iideysanayaan inay gaadhaan yoolal siyaasadeed oo ay leeyihiin.
Dhinaca kale, wuxuu sheegay inay guulo ka gaadheen xal u helista colaadda, isla markaana ay socdaan wadahadallo dib layskugu soo dhawaynayo dhinacyada, wuxuuna rajaynayaa inay sidaas ku dhamaato.
Wuxuu xusay inay si dhow ugala shaqeynayaan Somaliland xal u helista arrintan, maadaama dadka deegaanka Dacawalay sidoo kale ay dagaan Somaliland, wuxuuna sheegay in xukuumadda Somaliland ay isla garteen in nabad la helo.
Sida ay baahisay warbaahinta Itoobiya iyo tan Soomaalida, ku dhawaad 40 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay colaaddan. Somaliland ayaa ku tilmaantay in ciidamada Liyuu Booliisku ay gaysteen xasuuq iyo tacaddiyo baahsan. Luyuu Booliiska ayaa caan ku ahaa dhibaataynta shacabka xilligii dowladdii Cabdi Maxamuud Cumar.
Colaaddan ayaa qaraxday kadib markii dowladda deegaanka ay isku dayday in ay xoog ku meelmariso go’aan kasoo baxay khilaaf dhuleed oo u dhexeeyay laba beelood oo deegaanka wada dega. Go’aankaas oo mid ka mid ah beelahaasi ay diiday.