Khamiis, May 29, 2025 (HOL) - Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Senator Marco Rubio, oo ku caan baxay aragtidiisa adag ee siyaasadda arrimaha dibedda, ayaa sheegay in gargaarka dibadda ee Mareykanka uusan ahayn sadaqo ama wax la iska bixiyo, balse uu yahay qalab istaraatiiji ah oo lagu ilaalinayo danaha Mareykanka.
Hadalkan oo si weyn uga dhex muuqday baraha bulshada ayaa ka tarjumaya aragtida siyaasiyiin badan oo Mareykan ah, kuwaas oo aaminsan in gargaarka la siiyo dalalka kale aanu ku salaysnayn oo kaliya bani’aadannimo ama xiriir diblomaasiyadeed, balse uu si toos ah ugu xiranyahay danaha istaraatiijiga ah ee dalka, sida amniga, ganacsiga, iyo saameynta siyaasadeed ee caalamka.
Rubio wuxuu ku baaqay in dib loo qiimeeyo hawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka iyo kharashaadka gargaarka dibedda, si loo hubiyo in lacagaha la geliyo ay dhab ahaantii soo celiyaan faa’iidooyin muuqda oo istaraatiiji ah oo dalka Mareykanka dan u ah.
Dalal badan oo Soomaaliya ka mid ah ayaa ka faa’iideysta gargaarka Mareykanka, hase yeeshee hadalkan ayaa muujinaya in aysan jiri doonin gargaarka aan lagu xisaabtamin, balse looga baahan yahay in uu la jaanqaado qorshayaasha siyaasadeed iyo danaha Mareykanka ee gobolka iyo caalamka.
Sanadkan, Mareykanka ayaa si lama filaan ah u hakiyay barnaamijyo badan oo gargaar bini’aadantinimo oo caalami ah, isagoo joojiyay in ka badan 90% barnaamijyada USAID ee dibadda. Tani waxay sababtay hoos u dhac weyn oo ku yimid kaalinta Mareykanka ee gargaarka bini’aadantinimo ee dunida.
Mareykanku wuxuu ahaa deeq-bixiyaha ugu weyn ee gargaarka bini’aadantinimo ee caalamiga ah, isagoo bixiya ilaa 40% gargaarka la diiwaangeliyay ee Qaramada Midoobay sanadkii 2024.