6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 29, 2025
Xuutiyiinta oo la sheegay inay Yemen ku tababareen xubno ka tirsan ururka Alshabaab
 

Khamiis, May 29, 2025 (HOL) - Caddeymo isa soo taraya ayaa muujinaya iskaashi sii xoogeysanaya uu ka dhexeeyo Al-Shabaab iy Xuutiyiinta ee Yemen, taas oo sare u qaadday khatarta ka dhanka ah maraakiibta maraysa Badda Cas, Gacanka Cadmeed, iyo Badweynta Hindiya ee galbeedka.

Warbixin dheer oo lagu daabacay Africa Center ayaa lagu sheegay in Iskaashigan uu si weyn u kordhiyey awoodda labada kooxood ee ku aaddan carqaladeynta gaadiidka badda iyo xasiloonida gobolka.

Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Al-Shabaab ay heleen tababar farsamo iyo hub casri ah oo ay ka heleen Xuutiyiinta Yemen, intii u dhaxaysay Juun ilaa Sebtembar 2024. Warbixinta ayaa sheegtay in hubkaasi loo adeegsaday weerarro ay Al-Shabaab ku qaadeen ciidammada Midowga Afrika bishii Sebtembar iyo Nofeembar ee sannadkii hore.

Sidoo kale, xogaha QM waxay muujinayaan in in ka badan toban xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab loo diray Yemen, si ay tababar ugu qaataan kooxda AQAP, iyagoo loo tababaray xirfadaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

“Iskaashigan xagga farsamada, hubka, iyo tababarka ahi ayaa quburada amnigu ka muujinayaa walaac weyn oo ku saabsan xasilloonida marin-biyoodka Baabul Mandab. Waxaa kale oo ay sheegeen in ay caqabad weyn ku noqday kormeerka 1,800 mayl oo xeeb nugul ah oo ka faafsan Badda Cas, Gacanka Cadmeed, iyo Badweynta Hindiya ee galbeedka.

Sarkaal hore uga tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa uga digay in Maraykanka sii wado ka fogaanshaha xaaladda Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay u sahli karta Al-Shabaab inay ballaariso hawlaheeda gudaha Kenya iyo Itoobiya, isla markaana ay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay kooxda Xuutiyiinta.