Jimco, May 30, 2025 (HOL) - Wafdi ka socda ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Turkiga ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay u xoojiyaan wada shaqeynta dhanka amniga ah ee ay la leeyihiin ciidamada Soomaaliya waxaana ay muujineysa xiriirka qotoda dheer ee dhanka difaaca ee ka dhaxeeya dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya, sida ay sheegtay warbaahinta Dowladda.
Booqashadan, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta tababarrada, wadaagista khibradaha hawl-fulinta, iyo kor u qaadista awoodda Ciidamada Soomaaliya, iyadoo ay sii kordhayaan caqabadaha amniga gobolka ee ay geysanayaan maleeshiyada Al-Shabaab.
Wafdigaan ayaa taliska ciidamada Qalabka sida Soomaaliya kala hadlaya hormarinta dadaallada la-dagaalanka argagixisada Soomaaliya iyada oo loo marayo barnaamijyo tababar oo gaar ah iyo taageero dhinac waliba leh.
Turkiga oo ah saaxiibka muhiimka ah ee dhanka amniga Soomaaliya, ayaa gacan weyn ka geystay bixinta kaalmada milateri, oo ay ku jirto tababarada ay ku bixiyaan saldhigga Turkiga ee caasimadda Muqdisho ugu yaala.
Saldhiggan waxa uu taageerayaa tababarrada ciidamada Soomaaliya iyo in la geeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, sida TB2 Bayraktar iyo model Akinci, kuwaas oo muhiim u ah la dagaallanka Al-Shabaab.
Joogitaanka Turkiga ee sii kordhaya ee Soomaaliya waa mid dhaafsiisan taageero militari, Tan iyo booqashadii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan 2011, Ankara waxay sii xoojisay raadkeeda ganacsi, oo ay ku jiraan maareynta dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyo heshiisyada sahaminta tamarta.
Ku dhawaad 500 oo askari oo Turki ah oo ay ku jiraan 300 oo kumaandoos ah oo dhawaan laga keenay dalka Turkiga ayaa loo xil saaray ilaalinta xarumaha Turkiga iyo ka caawinta dhanka tababarada, waxa ayna dowlada Ankara hoosta ka xariiqday sida ay uga go’an tahay soocelinta xasiloonida Soomaaliya.