Jimco, May 30, 2025 (HOL) - Guddiga Doorashooyinka ayaa maanta oo Jimco ah waxa uu shaaciyay in maalinta Sabtida ah la go’aamiyay in dib loo doorto kuraasta kala ah #HOP097 iyo #HOP098 oo ay horey ugu fadhiyeen Allaha u Naxariistee Xildhibaan Khadija Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Maxamud Maxamed Jimcale (Seeseey).
Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in Suldaanka guud ee beesha Yaxar, Suldaan Axmed Maxamud Cosoble uu soo gudbiyay liiska ergada dooranaysa labadan kursi oo ay ka geeriyoodeen wasiir Khadiija Diiriye iyo Xildhibaan Seeseey.
Si doorashada ay u dhacdo maalinta Berrito ah waxaa Guddiga Doorashada uu diiwaan geliyey Afar (4) musharrax oo soo buuxiyey shuruudaha musharraxnimada kuraasta bannaan, kuwaas oo kala ah:
1-Cabdikarim Maxamed Diriye #HOP097
2-Abdulqadir Maxamud Maxamed #HOP098
3-Maxamed Maxamud Geeddi #HOP097
4-Axmed Adan Muxyadiin #HOP098
Musharrixiintan soo buuxisay shuruudaha ayaa maanta magaalada Jowhar lagu gudoonsiiyay shahaadada musharraxnimo ee buuxinta kuraasta bannaan.
Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa Bishii December 2023 ku geeriyootay dalka Jabuuti waxaana ka horeeyay Xildhibaan Seeseey oo isla sanadkaas Bishii March geeriyooday ilaa xilligaasi waxa ay kuraastii ay uga fadhiyeen Golaha shacabka uu ahaa kuwa banaan balse Guddoonka Golaha Shacabka uu dhowaan sheegay in loo baahan yahay in si deg deg looso buuxiyo.