Jimco, May 30, 2025 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday iney yihiin mucaarad is badal doon oo aysan aheyn mucaarad doonaya in dalka la burburiyo.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale ka hadlay jiritaanka warar sheegaya in xubnaha mucaaradka ee uu hogaaminaayo inay sameyn rabaan jabhado hubeysan oo ka dhan ah dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
"Anagu waxaan nahay isbaddel doon waxaana rabnaa inaan hogaamino bulsho ilbax ah, waxan dooneyna inaan fikir wax ku bedelno ee annagu xoog waxba kuma badelayno sharciga iyo dastuurka ayaan raacayna, ma joogno waqti jabahad iyo qori aan qaadano" ayuu yiri madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.
Shariif Sheekh Axmed ayaa markale kale si adag u dhaliilay qorshaha doorashooyinka dalka, wuxuuna sheegay inaan la joogin waqtii dalka laga qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah.
"Dowladdii dalkan uu lahaa waxay ku burburtay waxay aheyd doorasho qof iyo cod ah, marka waa in la fiiri doorasho qof iyo cod ah waqtigeeda in la joogo iyo in kale iyo waliba caqabadaha ka dhalan kara hadii sidii la rabo u dhici weyso doorasho qof iyo cod ah" ayuu yiri Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.
Hadalkaan kasoo yeeray Shariif Sheekh Axmed ayaa kusoo aadaya, iyadoo maanta la filayo in go'aano rasmi ah kasoo baxaan shirka xubnaha mucaaradka dowladda Fedaraalka ee labadii maalin ee lasoo dhaafay ka socday hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.