Jimco, May 30, 2025 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid in ka badan 20 dhalinyaro Soomaali aheyd oo dooni kula degtay badda u dhaxeysa dalalka Algeria iyo Spain.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu horeyn qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu murugada iyo xanuunka la qaybsanayo ehelada iyo qoysaska ay ka bexeen dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku naf waayey badda.
"Dhacdadan xanuunka badan waxay muujinaysaa halista dhabta ah ee uu leeyahay tahriibka galaaftay nafta iyo mustaqbalka da’yarteennii hantida u ahaa mustaqbalka dalka, lagana sugayey in ay dhexda u xirtaan sidii ay u samatabixin lahayeen dowladnimada, dadka iyo dalka" ayuu yiri madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka iney ilaaliyaan wax walba oo keeni kara niyad jabka dhalinyarada Soomaaliyeed ee tahriibaya, wuxuuna ku taliyay in dowladda ay talaabo muuqata ka qaado qulqulka tahriibka uu ku tilmaamay masiibo qaran.
"Waxaan ugu baaqaya hogaanka heer fedaraal iyo heer dowlad goboleed in ay xoogga saaraan barnaamijyada dhiirri-gelinta iyo awood-siinta dhallinyarada, lagana taxadaro tallaabooyinka dhaawacaya niyadda dhallinyarada oo ay ugu horreeyaan musuqmaasuqa, eexda, amni darrada iyo hubinti la'aanta siyaasadeed" ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Warkaan kasoo baxay madaxweynahii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kusoo aadaya, iyadoo saacadahii lasoo dhaafay badda u dhaxeysa dalalka Algeria iyo Spain ay ku dhinteen in ka badan 20 ruux oo dhamaantood ahaa dhalinaro Soomaaliyeed.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Farmaajo oo dhaneystiran:- 