6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 30, 2025
Madaxda Somaliland iyo Kenya oo ka wada hadlay xoojinta ganacsiga, nabadda, iyo la dagaallanka argagixisada
 

Jimco, May 30, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dhinac.

Sida uu baahiyey xafiiska madaxtooyada Somaliland, labada hoggaamiye waxay diiradda saareen iskaashiga iyo xoojinta xidhiidhka ganacsiga, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha, iyo isu-socodka diyaaradaha.

“Xoojinta nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan horumarinta xasilloonida, ka hortagga xagjirnimada, iyo taageeridda dadaallada nabad-dhisidda ee Geeska Afrika,” ayay madaxtooyadu sheegtay in labada madaxweyne si qoto dheer uga wada hadleen.

Sidoo kale, waxay ka wada hadleen iskaashiga waxbarashada, is-weydaarsiga tacliinta, awood-dhisidda hay’adaha dowliga ah, iyo kobcinta tababarka xirfadaha farsamada gacanta ee dhalinyarada.

“Kulankaasi wuxuu ahaa mid ay labada hoggaamiye hoosta ka xarriiqeen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Kenya, kaas oo ku dhisan taariikh fac weyn, is-ixtiraam, dano wadaag, iyo aragti mideysan oo ku wajahan horumarka iyo barwaaqada mandaqada,” ayay madaxtooyadu sii raacisay.

Madaxweynaha Somaliland oo ku sugan magaalada Nairobi, ayaa sidoo kale xadhigga ka jaray xafiis diblomaasiyadeed oo ay Somaliland ka furatay dalka Kenya. Xafiiskaas ayaa si rasmi ah loo furay shalay, inkasta oo dowladda Kenya tiraba laba jeer walaac ka muujisay kor u qaadista meeqaamka xafiiskaasi.

Marka laga yimaado walaaca dowladda Kenya ka qabto arrintan, hadana munaasabadda furitaanka xafiiska Somaliland waxa ka qaybgalay xildhibaanno, badhasaabo, iyo madax kale oo ka socotay dowladda Kenya.