Jimco, May 30, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inay suuragal tahay in dowladda Maraykanku aqoonsato Somaliland. Sidoo kale, wuxuu caddeeyay in xukuumaddiisa aan lagala hadal wax ku saabsan arrimaha Falastiin.
Madaxweynaha oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska The Guardian, ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland uu soo dhowyahay, isla markaana ay tahay arrin wakhti uun ah.
"Aqoonsigu wuu soo dhowyahay," ayuu yidhi Madaxweyne Cirro. "Waa arrin wakhti uun ah. Ma aha haddii la aqoonsanayo, ee waa goorma iyo yaa hormuud ka noqon doona aqoonsiga Somaliland."
Wargeyska ayaa sheegay in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, laga yaabo inuu aqoonsi siiyo Somaliland, isaga oo taa beddelkeeda saldhig milatari ka dhisan doona magaalada Berbera oo ah goob istaraatiji ah.
"Waxaan nahay lamaane dhanka amniga ah... lamaane dhanka la dagaallanka argagixisada ah... lamaane dhanka ilaalinta marin-biyoodka ganacsiga adduunka ah," ayuu yidhi Madaxweyne Cirro, isagoo ka hadlayay iskaashiga suurtagalka ah ee Somaliland iyo Maraykanka.
Wuxuu sheegay in Maraykanku danaynayo inuu isbeddel ku sameeyo siyaasaddiisa Geeska Afrika iyo Soomaaliya, isla markaana sarkaalka ugu sarreeya hawlgalka AFRICOM uu dhowr jeer booqday magaalada Berbera bilihii u dambeeyay, iyadoo la filayo in wafdi Maraykan ahi ay dhawaan Hargeysa booqdaan.
Madaxweynaha ayaa wax laga weydiiyay qorshaha uu Trump doonayo inuu ku raro dadka reer Qasa, iyada oo ay warbaahinta qaarkood qoreen in Somaliland lagala hadlay. Wuxuu sheegay in arrinta Falastiin aanay cidina kala hadal, balse haddii ay iskood u yimaaddaan Somaliland aanay diidi doonin.
"Annagu waxaan nahay dad martida jecel. Dadka reer Falastiin waa walaalaheen. Haddii ay go'aansadaan inay iskood u yimaaddaan, annagu waxba kama qabno. Laakiin arrintaas lagama wada hadal arrinta Falastiiniyiinta," ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Somaliland ayaa marar badan hore u sheegtay in arrinta Falastiin aan lagala hadal, sidaa darteedna aanay doonayn inay ka hadasho wax aan lagala tashan, iyadoo ku tilmaantay wararka arrintaas la xidhiidha in ay yihiin buunbuunin.