Jimco, May 30, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dalka Kenya, Moses Masika Wetang’ula. Kulankaasi oo ay kaga wada hadleen iskaashiga dhanka dimuqraadiyadda iyo nabadda.
Madaxweyne Cirro oo weli ku sugan dalka Kenya, halkaas oo uu ku joogo safar shaqo oo rasmi ah, ayaa sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, kulan midho-dhal ah la yeeshay Guddoomiye Wetang’ula, waxaana kulanka goob joog ka ahaa masuuliyiin labada dhinac ah.
“Qodobbada ay ka wada hadleen waxaa ka mid ahaa: Iskaashiga baarlamaanada, in la helo dariiqooyin lagu xoojin karo xidhiidhka sharci-dejinta ee Somaliland iyo Kenya, iyadoo loo marayo wadahadallo, booqashooyin rasmi ah, is-weydaarsi aqooneed, iyo iskaashi hay’adeed,” ayaa lagu sheegay qoraalka Madaxtooyada.
Sidoo kale, waxay ka wada hadleen kor u qaadista hannaanka dimuqraadiyadda, iyaga oo isla gartay muhiimadda ay leedahay wadaagista khibradaha ku saabsan dhaqan-galka dimuqraadiyadda, horumarinta nidaamka doorashooyinka, iyo korjoogteynta shaqada baarlamaanada.
Waxyaabaha muhiimka ah ee ay isla faaqideen waxa kale oo ka mid ahaa xasilloonida iyo horumarka gobolka, gaar ahaan sidii loo adkayn lahaa doorka ay goleyaasha sharci-dejintu ku leeyihiin nabadda, amniga, iyo horumarka waara ee guud ahaan Geeska Afrika.
“Waxay ka wada hadleen taageerada geedi-socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu muujiyay farxaddiisa ku aaddan sida Kenya u fahansan tahay uguna garawsatay horumarka siyaasadeed iyo kan dimuqraadiyadeed ee ka hirgalay Somaliland,” ayaa lagu sheegay qoraalka.
Qoraalka waxaa sidoo kale lagu xusay in Guddoomiye Wetang’ula uu caddeeyay in Golaha uu hoggaamiyo diyaar u yahay inuu hirgeliyo dhammaan tallaabooyinka iyo heshiisyada ay labada xukuumadood (Somaliland iyo Kenya) ku heshiiyaan.
Madaxweynaha Somaliland ayaa wali ku sugan safarkiisii shaqo ee Kenya, halkaas oo uu ka furay xafiiska Somaliland oo heerkiisa la horumariyay, isla markaana loo dhisay dhisme cusub. Sidoo kale, wuxuu la kulmay Madaxweynaha Kenya, William Ruto.