Sabti, May 31, 2025 (HOL) - Waxaa maanta Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya xukuno kala duwan ku riday shabakad lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab.
Shabakadaan ka tirsaneyd kooxda Shabaab ee la xukumay maanta ayaa ka kooban lix rag ah, kuwaas oo la tilmaamay in Al-shabaab u qaabilsanayeen dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.
Maxakamada Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa min 10 sano oo xabsi ciidan ah ku xukun eedeysaneyaasha kala ah Maxamed Nuur Cali oo loo yaqaano Cabdimajiid, Cabdullaahi Xuseen Maxamed, iyo Deeqoow Aadan Barre.
Waxaa sidoo kale Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida xukun 8 sano oo xabsi ciidan ah ku riday Cabdishakuur Cabdiqaadir Maxmed oo loo yaqaano Webka, kaasoo Maxkamaddu sheegtay in lagu helay inuu ka tirsanaa qeybta qaraxyada, halka Farxaan Aadan Xasan oo ka tirsanaa kooxaha Shabaab u qorsheeya dilalka lagu xukumay 5 sano oo xabsi ah.
Eedeysanaha lixaad oo lagu magacaabo Xassan Cali Ciire Kuuloow ayaa ahaa shaqo suge kooxda u shaqeynayay, wuxuuna dib u helay xuriyadiisa, kadib markii lagu waayay dambi.
Xukunkaan lagu riday shabakadaan ayaa yimid kadib howlgalo sirdoon oo ay ciidamka NISA ka fuliyeen seddex goobood oo kala duwan bishii August ee sanadkii 2024, waxaana howlgaladaas lagu soo qabtay ragaan iyo hub ay haysteen oo ay ku jireen bastoolado iyo bam gacmeedyo.