6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 31, 2025
Madasha Mucaaradka oo ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh inuu wiiqayo heshiisyada siyaasadeed ee dalku ku dhisan yahay
 

Sabti, May 31, 2025 (HOL) - Madasha Samata-bixinta Mucaaradka oo uu guddoomiye u yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed ayaa war murtiyeed ay soo saareen waxay ku eedeeyeen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu wiiqayo heshiisyadii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa dhismaha Jamhuuriyadda Saddexaad.

Madashu waxay si cad u sheegtay in ficillada madaxweynaha ay dhaawacayaan mabda’a wadajirka iyo hannaanka dowlad dhiska ee lagu heshiiyey, waxayna si adag uga digeen halista ay arrintani ku yeelan karto mustaqbalka dalka.

Dhanka amniga, Madasha ayaa shacabka iyo dowladda u dirtay baaq midnimo oo ka dhan ah kooxaha argagixisada ah sida Al-Shabaab iyo Daacish, iyagoo dowladda ku dhiirrigeliyey in la mideeyo dadaallada lagu badbaadinayo qaranimada iyo jiritaanka dowladnimada.

Si kastaba ha ahaatee, waxay dhaliil xooggan u jeediyeen istiraatiijiyadda dagaalka dowladda, gaar ahaan sida ay u dayacday ciidamada xoogga dalka iyo halgamayaasha deegaanka.

War-murtiyeedka Madasha ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey muddo xileedka dhammaaday ee dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, iyagoo sheegay in muddo kordhintooda iyo ku biiristooda xisbiga madaxweynaha ay yihiin tallaabooyin sharci darro ah oo muujinaya damaca Madaxweyne Xasan Sheekh ee muddo kororsi iyo in uu keligiis ku guuleysto doorashooyinka.

Madasha waxay madaxweynaha uga digeen, sida ay hadalka u dhigeen, faquuqa siyaasadeed ee uu ku hayo dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, iyagoo ka digay ficillada sii hurinaya khilaafka siyaasadeed, gaar ahaan arrimaha Gobolka Gedo. Waxay sidoo kale ku baaqeen in la qaado cunaqabataynta saaran deegaanada hoos yimaada Jubbaland.

Madashu waxay soo jeediyeen in si degdeg ah loo qabto kulan qaran oo ay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad-goboleedyada, iyo siyaasiyiinta mucaaradka, si looga tashado badbaadinta dalka, loona mideeyo awoodda iyo abaabulka lagu wajaho argagixisada.

Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in xal laga gaaro khilaafka ka dhashay wax ka beddelka qodobo kamid ah dastuurka, doorashooyinka aan heshiiska lagu ahayn, maamulka dhaqaalaha dalka iyo heshiisyada khayraadka dabiiciga ah.

Ugu dambeyn, Madasha Samata-bixinta Mucaaradka waxay ku baaqeen in dib loo bilaabo wadahadalladii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Somaliland, si looga hortago, sida ay sheegtay, ajandayaasha shisheeye ee lagu doonayo kala qaybinta ummadda Soomaaliyeed.