10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 1 , 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Daahfuray Mashruuc koronto-gelin oo Lagu Horumarinayo 150 Xarumo Caafimaad oo Dalka oo Dhan ah
 

Arbaco, October 1, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray mashruuc ballaaran oo koronto-gelin ah oo lagu gaarsiiyay 150 xarumo caafimaad oo ku kala yaalla gobollada dalka, iyadoo adeegga korontadaasi lacag la’aan lagu bixiyay.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay muddo dheer u baahnaayeen adeeg koronto oo tayo leh, gaar ahaan xarumaha muhiimka u ah caafimaadka iyo waxbarashada, Mashruucan ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah, isagoo si gaar ah u xusay in korontadaasi tahay mid tamarta cagaaran ah (green energy) oo deegaanka u roon.

“Xukuumadda waxa ay diiradda saartay in dadku helaan adeeg koronto iyo waxbarasho tayo sare leh,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa, isagoo tilmaamay in mashruucani uu kor u qaadi doono tayada adeegyada bulshada, isla markaana uu dadka fursad u siin doono in ay iibsadaan koronto la awoodi karo.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale xusay in korontadu tahay furaha horumarka adeegyada dadweynaha, sidaas darteedna Xukuumaddu ay ka go’an tahay in mashruucan la sii ballaariyo si loo gaaro dhammaan deegaannada dalka oo dhan.

Tallaabadan ayaa ah mid taariikhi ah marka loo eego xaaladda adeegyada dadweynaha ee Soomaaliya, waxaana lagu tilmaamay guul weyn oo ka tarjumaysa dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta nolosha shacabka, Tamarta cagaaran ee la hirgeliyay ayaa sidoo kale la rajeynayaa in ay horseed u noqoto mustaqbal tamareed oo waara.