10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 1 , 2025
Golaha Shacabka oo Ansixiyay Heshiiska Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta
 

Arbaco, October 1, 2025 (HOL) - Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay Heshiiska Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta, kaddib kulan ay yeesheen kalfadhigii labaad ee Baarlamaanka 7-aad, Go’aankan muhiimka ah ayaa yimid kadib markii Golaha Wasiirrada uu horay u gudbiyay hindise sharciyeedka heshiiskan.

Kaddib dood dheer oo ku saabsan muhiimadda heshiiska, hogaanka Baarlamaanka ayaa qabtay cod u qaadid, waxaana natiijada uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Natiijada codbixinta ayaa ahayd, 130 xildhibaan oo taageeray, 10 xildhibaan oo diiday iyo 5 xildhibaan oo ka aamustay.

Codka aqlabiyadda ee lagu meel mariyay heshiiska ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay xildhibaannada Soomaaliyeed in la horumariyo ilaalinta iyo daryeelka carruurta Soomaaliyeed.

Heshiiska la ansixiyay ayaa hadda loo gudbin doonaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka si loo sii eego, loogana doodo, Tallaabadan ayaa muhiim u ah sidii sharci ahaan loo adkeyn lahaa ilaalinta xuquuqda carruurta iyo horumarinta noloshooda.

Heshiiska Afrika ee Xuquuqda Carruurta wuxuu la jaanqaadayaa heerarka caalamiga ah ee ilaalinta carruurta, wuxuuna muujinayaa ka go’naanta Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta siyaasadaha ku wajahan welfare-ka, ilaalinta, iyo xuquuqda carruurta.