10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 10, 2025
Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska xabad joojinta ee wada gaareen Israa’iil iyo Xamaas
 

Jimco, October 10, 2025 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay heshiiskii xabad joojinta ahaa ee Magaalada Sharma Al-Sheekh eedalka Masar ku dhexmaray Israa’iil iyo Ururka Xamaas, kadib dagaalo khasaare badan geystay io u dhaxeeyay labadaan dhinac labadii sano ee lasoo dhaafay.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dadaal walba oo lagu gaari karo nabadda Falastiin iyo Dowlad awood leh oo ay yeeshaan dadka reer Falastiin. 

“Soomaaliya waxa ay rajayneysaa in heshiiskaan uu noqdo mid tallaabo dhab ah loo qaaday dhinaca Nabadda iyo caddaaladda oo dhammeystiran si Shacabka Falastiin uga baxaan silica amni darrada, xiisadda gobolkana u degto” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. 

Dowladda Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujisay inuu si dhab ah u dhaqan gali doono heshiiskaan Xamaas iyo Isra'iil wada gaareen, islamarkaana uu ka duwanaan doono heshiisyadii hore ee fashilmay iyo kuwa waqti kooban socday.

Ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka sida cad u garab istaagay in dadka reer Falastiin ay helaan dowladd la aqoonsan yahay, waxaana xusid mudan in Soomaaliya kursiga Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay ku fadhiso sanadkaan iney ku difaacday qadiyadda Falastiin iyada oo ku baaqday in xabada la joojiyo.